Dhismihii Dugsiga Hoose/Dhexe ee Tuulada Qarqoora oo soo Gaaray Wajigii ugu Dambeeyay.
Dhismaha Dugsiga hoose/dhexe ee tuulada qarqoora ayaa Maraya Gaba Gabo sida ay soo Gudbiyeen Gudiga Iskuulka dhismihiisa Gacanta ku haya, warbixin ay na soo gaarsiiyeen ayaa lagu sheegay in in dhismihii iskoolka uu soo gaaray wajigii ugu dambeeyay ,lana filayo in dhowaan la furi doono haduu eebo idmo.
Waxaan iska kaashaday dhismaha iskoolkan waqti bandanna galiyay jaaliyadaha galmudug e UK iyo Canada.
Gudiga Iskuulka Gacanta ku hayaa dhismihiisa wuxuu mahadnaq balaaran u dirayaa bacda laah SWT, cid waliba oo ku bixisay maskax iyo maal Rag iyo dumarba. Iyo waliba bulshada ku nool tuulada qarqoora oo aysan la,aantood howshan socon laheyn.


