Halkaan waxaan kusoo gudbinayaa war baxin iyo cabasho, anigoo ah shiikh Muxayidiin sh. yuusuf Barre
gudoomiyaha jamciyadda Alixsaan.
Warbixin:
Waxaan ka bilawnay dhadhaqaaqa waxabashada gobalka Mudug taariikhdu
markay ahayd 1999 ayadoo si rasmi ah aanu uga furnay dugsigii ugu
horeeyay ee aas aasi ah oo layiraaho Al-Bader taariikhdu markay ahayd
20/12/2001.
Ayadoo waxbarasho tayo leh aysan ka jirin magaalada Gaalkacyo kaliya
waxaa jiray dugsi yar oo la oran jiray Nawawi , Intaa waxii ka dambeeyay
waxaa soo kordhayay dadaalka waxbarashada ee Gaalkacyo iyo dagmooyinka
ku xeeran, dugsiga AL-Bader ayaa waxuu noqday dugsigii ugu horeeyay oo ay kasoo
baxaan arday wadata shahaado dugsi dhexe oo u diyaar ah inay helaan meel ay kusii
wataan axbarshada dugsiga sarre nasiib daro uma suurtoobin inay ka helaan deegaankooda
waxbarashada ay u baahnaayeen Kadibna waxay aadeen magaalda Muqdisho.
Intaa kadib waxaan ku guuleysanay taakhikhdu markay ahayd 01/08/2007
Inaan furno dugsigii ugu horeeyay ee dugsi sare ah kaas oo la yiraahdo SYL,
Sidoo kale dugsigaas waxuu noqday dugsigii ugu horeeyay ee ay ka sobaxaan arday wadata
shahaado dugsiga sare oo rajo kaqabta waxbarasho jaamacadeed.
Intaas wixii kadanbeeyay jamciyada Al-ixsaan waxay ku talaabsatay hormar dhanka waxabarashada
ah oo balaaran ayadoo maraysa hada 10 dugsi quraan oo ay dhigtaan arday ka badan 800 oo arday
iyo 5 dugsi hoose dhexe iyo hal dugsi sare oo ay dhigtaan arday gaaraya 750 arday.
Halkaas ayaan rabaa inaan ku hakiyo warbixinta anigoo soo koobaya,ayadoo waliba ay jiraan
caqabado badan oo nooga imaanaya gudaha iyo dibada. Marabo inaan ku dheeraado caqabadahaas
iyo taariikhda waxbarashada gobolka.
Cabasho:
Waxaa dhacay taariikhdu markay ahayd 11/06/2011 saacaduna kubeegneed 9:00am in lagu qabtay
dusiga AL shacab kulan lagu sheegay in uu yahay siminaar loogu talagalay ardayda dugsiyada sare
ee Galmudug.
Galmudug waxaa ku yaalla 3dugsi sare oo kal ah SYL, MUDUG iyo ALSHACAB
Marka cabashadu waxay tahay arimaha soo socda:
-
Faragalin lagu sameeyay maamulka dugsiga sare ee SYL ayadoo loo
magacaabay maamul aan dugsigu wax shuqul ah ku lahayn kaas oo ay
magacaabeen shaqsiyaadkii qabtay kulanka.
-
Ayadoo aan wax xiriira lala soo sameyn jamciyadaha dugsigu hoos yimaado
iyo maamulaha dugsiga toona .
-
Waxaa jidka laga soo qab qabtay qaybo ka mid ah ardayda dugsiga SYL
waxaana lagu yiri waxaa laydin barayaa Computer iyo caafimaad muddo
laba bilood ah markay tageenna waxaa lugu yiri waxaa laydiin qabanayaa
siminaar 25 bari ah oo lagu baranayo caqiidada iyo barnaamijyo kale.1*
-
waxaan u aragnaa dhamaan arimaha aan kor ku soo xusnay faragalin
ku saabsan maamulka dugsiga sare ee SYL iyo isku dir maamulka iyo
macalimiinta dugsiga iyo abuuris qas iyo iska horkeen maamulka iyo
ardayda SYL ayadoo la ogyahay waxyaabaha maantay dalka kajira oo
ku saabsan da’ yarta waxbaranaysa iyo dagaalada socda taasoo abuuri
karta fikrado Qatar ah oo saamayn kuyeesha gobolka.
cabashadaa waxaan u soo gubinayaa dhamaan bulshada reer Galmudug dal
iyo dibad iyo cida qabatay kulanka iyo meesha lamu qabtay cidda gacanta ku haysa.
anirtaas waxay dib noo xasuusinaysaa dhacdooyin tan oo kale ah oo ka dhacay gudaha
bahda waxbarashada Galmugud oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga hada layiraahdo Al shacab
markii dhismihiisa la bilaabay waxaa gobolka ka jiray sadex dugsi sare oo kala ahaa SYL, MUDUG ,
ALSHACAB waxaana la kulanay dadkii dhismaha waday waxaana kula talinay labo arimood midood:
-
In dugsiyada sare ee hada kirada ku jira laysugu keeno maamulka iyo
macalimiintana loo tartamo oo ay maamulaan macalimiina ka noqdaan
dadkii kusoo baxa tartankaas.
-
Taas haday suurto gali wayso in uu noqdo dugsigu goob ay gacanta ku
hayaan jaaliyada dibada kana madaxbanaan dugsiyada sare looguna
faa’ideeyo Ardayda kasoo baxda dugsiyada sare si ay u sii wataan
waxbasarasha kasaraysa heerka dugsiyada sare.
Nasiib daro ma dhicin labadaa arimood midkoodna balse waxaa dhacay in
lagu qoray magaca mid ka mida dugsiyadii horay u jiray laguna wareejiyay
furayaashii dhismaha, Ayadoon laga talagalin bahda waxbarashada gobolka.
Waxaa dhacay markii la furayay dugsigaas inaan kamid ahaa dadkii loo keenay
casuumada ka soo qeyb galka furitaanka dugsiga waxaase dhacday in dib la iisoowacay
oola yiri kama soo qayb gali kartid markaan waydiiyayna wax macquula la iima sheegin
waxaan u arkayay inay arintu tahay midab takoor kaliya. 2*
waxaan aasaasnay sanadii 2008 jaamacadda layiraahdo Mudug University anagoo
gadnay dhulkii, samaynayna dhagax dhig ay ka qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa Galmudug
iyo waziiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda TFG markaa kadib waxaa soobaxay dhaqdhaqaaqa
jamaacadda Gaalkacyo waxaan isku daynay inaan midayno labada jaamacadood si ay u noqdaan kuwo
taya leh waxaanan la tagnay ilaa heer wazaaradeed, heer Madaxwayne nasiib darro waxba kama
suurta galin ayadoo aydiideen walaalaha jaamacada Gaalkacyo intaa kadib waxaa dhacay in ay naga
soo gaartay dhinaca kale dacaayad aflagaado iyo iftire nooga imaanaysay dadka taageera ama maamula
jaamacadda oo ku kala sugnaa gudaha iyo dibadda gaar ahaan UK arintaas oo gaartay faragalin xaga ardayda ah.
Waxaan rabaa warkayga in aan kusoo koobo, waxaa jira xad gudubyo farabadan iyo qas xagga waxbarashada
ah oo ka jira gobolka kana socda gudaha iyo dibadda waxaan ku talinayaa ha laga daayo colaadda laga
abuurayo gudaha bahda waxbarashada.
wabillaahi towfiiq
sh Muxyidiin sh Yuusuf Barre
Waxaan
Jeclahay
inaan
Halkaan
ka
cadeeyo
Dhamaan
Hadallada
Sheekh
Muxyadiin
ku soo
gudbiyay
Warbixintiisa
ay
Yihiin
kuwa Sax
ah oo
aan
innaba
Wax
khalad
ah
laheyn
ma been
abuur ah
dhibaatadaas
jirta oo
aan
indhaha
ka
qarsannay
ay hadda
sii
korortay
,
waxaanse
rabaa
inaan ku
Hadlo
qodobo
aan
anigu
kala
hadlay
Shaqsiyaad
ka mid
ah kuwa
Taageera
qas
wadayaalka
Fitnada
kula
dhex
jira
bulshada
Reer
GalMudug
Gaar
ahaan
Bahda
Waxbarashada
khaasatan
kuwooda
Reer
Canada
oo aan
aqoon
durugsan
u
leeyahay.
- Arinta Xafladda Furitaanka Iskuulka Alshacab oo Shiikha inta Casuumaad loo fidiyay Haddana lagala noqday waa mid Sax oo jirtay, Waxaana ku soo bandhignay Wararkii Mudug oo uu Wariye Abwaan Calideeq Maxamed Xaashi Waqtigaasi noo soo diray, weliba Shiikhu isku ma aanu ceebeeyn inuu tago Waxaase dhacday in Xafladaas iyada ah uu ka qeyb galay Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga GalMudug ee Xilligaas Colonel Muxyadiin Macallin Cali oo ka mid ahaa Marti sharaftii lagu casuumay Xafladda nasiib darrase loo sheegay inuu iskaga tago Goobta oo aysan Rabin inuu madasha Soo Fariisto, isagoo si xushmad leh uga dhaqaaqay wax muran ahna ka keenin.
Cabdirisaaq
Cadde
Siyaad
Tifatiraha
MudugNet
Toronto,
Canada