
SIYAASAD NABADEED AMA DAGAAL
DABARGOOYA UMMADDA
Cumar Salaad Cilmi
Sida wada ogsoon yahay 18
sano in ka badan waxaa
dalkeenna ka socday dagaal
sokeeye oo joogtada ah iyo
faragalin ciidamo shisheeye
ee is-dabajooga ah kuwaasoo
gaarsiiyey Ummada
Soomaaliyeed burbur iyo
khasaare aan la qiyaasi
karin ee leh naf iyo maal
isla markaan wiiqay
kalsoonidii iyo midnimadii
shacbiga, qaranimadii iyo
dhaqankii ummadda. Mudadaas
gudaheeda dhawr dawladood
baa la dhisay wayna
burbureen ayadoo ay sabab u
ahayeen khifaafka dadkenna
dhexyaal iyo faragelin
shisheeye. Ciidamada
shisheeye ruuxooda waxaa
keenay oo ay ku
marmarsoodaan khilaafyada
iyo dagaalada dhexdeena ka
soda ayaguna khatar ku
yihiin. Cawaaqibkii wuxuu
noqday inaan gaarnay heer
jiritaankeenna ummad
ahaaneed uu ku jiro halis
dhab ah.
Bil ka hor, dawlad cusub oo
midnimo qarameed oo ka
kooban Dawladdii Federaalka
ee Ku-Meel-Gaarka (DFKMG)
iyo Is-bahaysigii Dib-u-xoraynta
Soomaaliya (IDS) lagu dhisay
dalka Jabuuti ayadoo ay
gacan weyn ka geysteen
Madaxweynaha dalka Jabuuti,
Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, iyo Ururka Qaramada
Midoobay, gaar ahan
Ergaygiisa Gaar Mudane
Axmedou Walid-Cabdalla.
Dawladdan Midnimada Qaran
waxay kaga duwan tahay
dawladihii hore oo u badnaa
dagaal-oogayaal iyo dad aan
aqoon lahayn marka ka laga
reebo Dawladdii Carta ee
ayana guuldarraystay, ayadoo
ay ku midoobeen xoogag kala
duwan sida: b) xubno IDS, t)
xubno DFKMG oo
dagaal-oogayaashii iyo
daba-dhilifyadoodii ku yar
yihiin, iyo j) xubno cusub
ee Bulshada rayadka. Haddii
si kale loo macneeyo,
Dawladda Midnimda Qarameed,
waxay mideysay mabaadii kala
gedisan sida afkaarta diinta
Islaamka, afkaarta casriga
ah (secular) iyo dhaqanka (habka
awood qaybsiga ee 4.5 loo
yaqaan – kaaso loo isticmalo
ku meel gaar ahaan inta
doorasho laga gaarayo)
itijaahdayas kala gedisani
waxay ka tarjumayaan
mabaadiida bulshadeed
(social values) ee Ummadda
Soomaaliyeed. Dawladan
Midnimada Qaran waxay kaloo
kaga duwan tahay kuwii hore
ayadoo hoggaamiyaasheeda
sare – Madaxweynaha Sheikh
Shariif Sheikh Axmed iyo
Rasiisul Wasaare Cumar
Cabdirashiid Cali Sharmarke
ay yihiin dhallinyaro
aqoonyahano ah oo kala
matalaya afkaarta kor ku
xusan kuwaas aan ka qayb
galin dagaaladii sokeeye iyo
kala-qaybintii bulshada.
Hayeeshee, weli waxaa jira
kooxo diini ah (Xisbullaha,
Shabaab, i.k.k) oo ilaa
hadda diidan habka
siyaasadda nabadeed iyo inay
Dawladda la yeeshaan
wada-hadal iyo dib-u-heshiin,
kana doorbidaya habka qoriga
ama dagaalka. Sidoo kale
waxaa jira beelo (sida
beesha Sade, i.k.k) oo
qawaday ama saluugay
saamigii laga siiyey
qaybsigii jagoyooyinka
Dawladda Midnimada Qaran ee
cusub. Saluugga iyo carada
ay muujiyeen ka sokow,
beelahani weli wax dagaal
kuma dhaqaaqin laakiinse waa
suuragal inay
mucaaradnimadoodu isu
bedesho ficil dagaal haddii
aan la sii tixgelin iyo
saami ay ku qancaan.
Mucaradkaas qudhooda waxaa
saaran masuuliyad ummadeed
iyo qarannimo inayan dagaal
u adeegsan gaaritaanka
danahooda ee ay u maraan
helitaanka xaqooda hab
nabadeed iyo wada-xajood
kaasoo ah midka la hubo in
lagu faa’iidi karo.
Haddaba, haddii aan nahay
dadka Soomaaliyeed, waa
inaan si qotodheer uga
fakarno oo kala doorano labo
xaaladood oo maanta na
hortaal – kala doorasho
habka siyaasadda nabadeed
iyo habka dagaalka
dabargooya ummaddeena oo
jiritaankeenna halis
galinaya.
1.DOORASHADA KOWAAD:
HABKA SIYAASADDA NABADEED
Maxaan ula jeedaa habka
siyaasadda nabadeed?
Habka siyaasadda nabadeed
waa hab siyaasadeed ee ka
duwan habkii siyaasaddii
qoriga iyo dagaalka
dadkeenna lagu xasuuqayey
laguna baa’iyey hantidooddii,
sharafooddii iyo
qarannimadoodii 18kii sano
ee la soo dhaafay.
Habka Siyaasadda nabadeed
nuuxurkiisu waxaa weeye in
qofka, kooxda ama ururka
siyaasiga ahi uu diido
iskana mabnuuco isticmaalka
qoriga iyo dagaalka. Waayo
dagaalka waxa ka dhasha
fidno iyo nabadgalyo la’aan,
gumaad iyo burbur. Eelka
dagaalku intaas keliya kuma
ekaado ee waxa kaloo ka
dhasha aargoosi iyo dagaallo
kale. Dabadeedna xalaaddu
waxay isu bedesha garangar
fidno, nabadgelyo-la’aan iyo
fawdo ah oo joogtaysan.
Xaaladda noocaan ahi waxay
walwal nabadgelyo la’aan ah
ku abuurtaan beesha calaamka
maadaama nabadgelyada
adduunku isku-xiran tahay.
Waana sababtan midda noo
keentay ciidamada shisheeye
oo mar kastaba gulufka ku
soo galaya dalkenna. Waa ma
dhacdo, inuu dhammaado
dagaalka dhexdeenna ah iyo
gulufka ciidamda shisheeye
inta aan aaminsan nahay oo
isticmalayno habka siyaasada
qoriga ama dagaalka. Sida
keliya oo looga bixi karo
fidnda iyo dagaalada
joogtaysan, gumaadka,
burburka iyo barackaca
Ummaddeennu ku sugan tahay
ama aan kaga badbaadin karno
fragalinta ciidamda shisheye,
waa annaga oo diidna habka
dagaalka, kadiba raacno
habka siyasadda nabadeed oo
horseedi doona nabadgelyo,
xasilooni iyo horumar kaasoo
ah jidka badbaadada
jiritaanka Umaddeenna ee
maanta halista ku jirta.
Habkan siyaasadda nabadeed
waxaa lagu xaqiijin kara
arrimaha soo socda:-
b)dhammaanteen Soomaali
ahaan (qof, koox, beel,
urur, dawlad) waxaa na
saaran waajib inaan diidno
oo cambaarayno habka qoriga
ama dagaalka iyo adeegsiga
lagu in lagu gaaro dano ama
ujeedooyin shaqsiyeed,
kooxeed, beeleed, diineed,
ama siyaasadeed
waayo-aragnimadii 18kii sano
ee la soo dhaafay waxaan ka
bartay inaan habka dagaalka
wax faa’iido lagu gaarayn
khasaaro iyo halaag mooyee.
Ummadaha addunka ee
nabadgalyada, xasiloonida
iyo horumarka ku naaloonaya
waxay iska mabnuuceen habka
dagaalka, waxayna raaceen
habka siyaasadda nabadeed
iyo wada-hadalka. Annaguna
xaq baan u leenahay inan
sidaas oo kale yeelno.
t)Si loo xaqiijiyo qodobka
kor ku xusan, waa in
Dawladda Midnimada Qarameed
ay bilawdo olole ballaaran
oo lagu baraarujinayo
dadweynha iyo kooxha kala
duwan diidmada adeegsiga
qoriga ama dagaalka laguna
bedelo habka nabadda iyo
wada-hadalka in loo
adeegsado garitaanka danaha
iyo ujeedooyinka qofeed,
kooxeed, beeleed, diimeed,
siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo
bulshadeed.
j) si loo hirgaliyo
ujeedooinka qodobada kor ku
xusan waxaa habbon in
Dawladda Midinmaa Qarameeed
ay dejiso barnamij ballaaran
ee dib-u-heshiineed oo
hayadeysan. Taasoo
macnaheedu yahay in dhiso
guddi qaran dib-u-heshiineed
ka kooban xubo xul ee aqoon,
waayo-aragnimo siyaasadeed,
bulshadeed, iyo sifo
dhexdhexaadnimo leh oo
magacoodu nadiif yahay,
kuwaasoo ilaa xad hawshooda
u madaxbannaan oo talada ka
qaata, warbixintana siiya
Madaxweynaha iyo Raiisul
Wasaaraha.
x)hindisaha iyo ajendada,
goobta, maalgalinta iyo
maamulka shirarka
dib-u-heshiinta ummadeed oo
heer walba ah (heer qaran,
gobol, degmo, tuulo, beel)
waa inay noqdaan kuwo
mulkiyaddoda ay iska
leeyihiin dadka iyo
dawladda Soomaaliyeed;
kh) Hawlaha deg-degga ee
dib-u-heshiinta ummadda iyo
nabadeynta waxaa ka mid
noqon kara, barnmijka
bararujinta guud ka sokow,
in Dawladda Midnimda Qaran
qaado tallaabooyin ay
wada-hadallo kula galayso
mucaaradka (Xisbullah,
Shabaab, beelaha qawaday ama
ka biya diiday sida awoodda
dawladeed loo qaybsaday sida
beesha Sade, i.k.k.) si
looga hortago in mucaradku
sii baaho iyo inuu dhaco
qarax dagaal oon loo
baahnayn;
2.DOORASHADA LABAAD:
SIYASADDA DAGAALKA EE
DABARGOYNTA UMMADDA
Waxaa la is-weydin karaa,
sidee baan u dooran karnaa
jiritaan la’aanta Ummadda
soomaaliyeed? Laakiin, runtu
waxay tahay, haddii aan
Soomaali nahay, waxaad
moodaa inaan hore u
doorannay dabargo’a ama
jiritaan la’aanta
Ummaddeenna, marka la eego
xalaadda burburka, halaagga
iyo qaran-jabka aannu ku
sugan nahay ugu yaran 18kii
sano ee la soo dhaafay
anagoo ku gorgortamayna
raqda Ummaddeenna. Mise
waxay naga ahayd garasho
la’aan inaan halbowlayaasha
goyno Ummaddeenna,
dabadeedna aan eegano
dhiig-baxa halis ah e ka
socda? Haddii aadan garan
ama aadan ogeyn khatarta
aannu ku sugan tahay, bal
eeg oo dhuux qodobada soo
socda ee muujinaya masibada
Ummadda ku socota halisteeda
inta ay le’eg tahay:-
b) Tirada dadka Soomaaliya
toban (10) Malyuun ayaa lagu
qiyaasaa, waxaa kaloo la
qiyaasa in ugu yaraan labo
iyo bar (2.5) malyuun
(booqolkiiba 25%)dibadda u
qaxday (Yurub, Maraykan,
Afrika siiba dalalka jaarka
ah, Aasiya, Australiya,
i.w.m.);
t) Todobada iyo barka(7.5)
malyuun ee soo haray – sida
warbixin Qaramada Midoobay
ee 2008kii sheegtay, saddex
iyo bar (3.5) malyuun
(boqolkiiba 50% in ku
dhawaan) ayaa macaluul iyo
darxumo la jiifaan ayagoo
gacanta u hoorsanaya beesha
caalamka;
j) Sida hayadda qaxootiga ee
UNHCR caddeysay 27/2/2009
hal malyuun iyo saddex boqol
oo kun (1,300,000) ayaa
hantidoodii iyo hoygoodii
waayey oo ka barakacay
magaalooyiin kala duwan gaar
ahaan Moqdisho kuwaas
dalkooda gudihiisa qaxooti
ku ah kana mid saddexda iyo
barka malyuun gaajada iyo
macluusha la il-daran;
x) Sida lagu sheegay
warbixin hayadda qaxotiga
UNCHR sannadkii 2008kii
waxaa dalka Yemen u qaxay
50,000 oo dhallinyaro
Soomaali(wiilal iyo gabdho)
ayagoo naftooda halis
galiyey aagoo uga talaabaya
Badda Gacanka Cadmeed doonyo
yar oo khatar ah, kuwaasoo
1,400 dhinteen lana waayey
raq iyo ruux 390. Sannadkii
2007kii waxaa baddaas ka
tallaabay 30,000 ayado
boqolaal kalena ay badda ku
halaagmeen. Boqolaal kale ee
dhallinyaro Soomaliyeed ah
waxay si joogto ugu
halaagmaan badaha u dhexeeya
Afrikada Waqooyi (Eritrea,
Suudaan, Liibiya, Tuunisiya,
Marooko) iyo Yurubta
Koonfure (Talyaniga, Qubris,
Ispaniya, Bortuqaal), iyo
weliba Yurubta Bari iyo
Turkiga ayadoo boqolaal kale
ay jiifaan xabsiyada
dalalkaas. Waxaa inta
wehliya boqolaal kale oo
Afrika lug ugu tacabira oo
dhexda harraad, gaajo iyo
cudurro ugu dhinta, ama
jidka lagu dilo ama xabsiyo
dalal Afrikaan ku jira.
kh)Sannadka kasta boqolaal
dhallinyaro Soomaaliyeed ah
ayaa lagu dilaa ama darxumo
ugu dhinta dalal kala
gedisan ee dunida oo ay
qaxooti ka yihiin sida dalka
Koonfurta Afrika oo lagu
dilay tiro 500 kor ku
dhaaftay oo ay ka mid
ahaayeen hooyo iyo saddexdii
caruurta ahaa oo la
gawracay.
d)sida hayadda qaxootga ee
UNHCR shaacay ka qaaday
27/2/2009 afar boqol iyo
soddon iyo sideed kun
(438,000) oo Soomaali ah
ayaa qaxootinnimo looga
diwaangaliyey dalaka Keenya
iyo Itoobiya ayadoon aynan
ku jirin boqolaal kun oo
kale oo qaxooti oo aan la
diwangalin ee darxumo ku
sugan;
r) Waxaa kale qof kasta ee
Soomaali ahi ogsoon yahay,
in dadka dalka ku harsan
dhammantood ay diyaar u
yihiin inay dibadda u qaxaan
haddii ay helaan fursad -
nabadgelyo-xumada, nolol
la’aanta iyo mustaqbalka
madow ee dalkooda ka jirta
awgood; iyo
sh)intaas oo dhan waxaa ka
sii daran in la sumeeyey
dhulka iyo badaha
Soomaaliyeed ayagoo shirkado
shisheeye ahi ay ku shubaan
sumaha halista ee loo yaqaan
Industrial Toxic Wastes
iyo nuclear Radioactive
Wastes (sunta haraaga
warshadaha iyo shoocaaca
nikulyeerka)kuwas oo gumaada
noolaha badda iyo berriga ku
nool –taasoo macnaheedu
yahay gumadka dadka,
duunyada, iyo nabaadka
(dhirta) Ummada Soomaaliyed
inay suulaan mar aan
dheerayn, haddii aan wax
laga qaban inta goori goor
tahay.
Intas waxaa dheer cadawyo
badan oo halis ah oo dadka
iyo duunyadaba noloshooda
iyo cirmrigooda sida
cudurada faafa, cayrnimada
iyo gaajada, shaqo-la’aanta
iyo wax-barasho la’aanta,
biyo la’aanta siiba kuwa
nadiifka ah, i.k.k.
Sidas darteed, sida aan kor
ku soo sheegay waxaa nala
gudboon inaan kala dooranno
labo arrimood masiiri ama
aaya-tineed kuwaasoo ah –
inaan raacno habka
siyaasadda nabadeed iyo
dib-u-heshiin ummadeed dhab
ah oo Soomalidu masuul
ka tahay mulkiyadda,
hindisaha iyo ajendada,
goobta, maalgalinta – taasoo
Dawladda Midnimada Qaran ay
hogaaminayso ayadoo la
kaashanaysa ummadda
horseedkeeda (culumada
diinka – kuwii hore iyo kuwa
dambe, hoggaamiyaasha
dhaqanka, siyaasiyiinta iyo
aqoonyahanada, i.w.m.); iyo
inaan dooranno habka
qoriga iyo dagaalka
dabargonaya (sida ko ku
xusan) Ummadda Soomaaliyeed
iyo jiritankeeda.
Badbadinta jiritaanka
Ummaddeenna oo khatar weyn
ku sugan, wuxuu ku xiran
yahay labadaas hab midka aan
raacno oo adeegsanno.
Cayminta jiritaanka Ummaddu
wuxuu waajib ku yahay kuna
xiran yahay haddii
wiilasheeeda iyo gabdhaheedu
fahmaan oo si degdeg ah ugu
gurman int aan jeqorafiga
Geeska Afrika laga waayin.
Sidaas daradeed,
doorashadennu waa cad dahay,
waxayna tahay inaan dooranno
cayminta jiritaankeena
Ummaddeenna. Sida aan ku
badbaadin karnaana waa
annagoo dhammaanteen diidna
oo cambaarayna habka qoriga
iyo dagaalka ayaaha-daran,
oo ku bedelna adeegsiga
habka nabadeed iyo
dib-u-heshiin ummadeed oo
dhab ah ayadoo Dawaladda
Midnimada Qarameed ay
hoggaaminayso, isla markaa
qof, koox, beel iyo urur
kastaaba masuuliyad iska
saarayaan danta guud iyo
badbaadinta Ummadda.
Hoggaamiyaasha cusub ee
Dawladda Midnimada Qaran –
Madaxweynaha iyo Golaha
Wasaradba waxay cadeeyeen
inay geedi-socodka
dib-u-heshiinta sii
wadayaan, si taas looga
mira-dhalliyana waxa lagama
maarman ah in mudnaanta
kowaad la siiyo
geedi-socodkaas lana
hayadeedo ayadoo si degdeg
ahna loogu sameeyo qorsho
muhiim ah oo meel sare kaga
jira siyaasadda dawladda
ayadoo la hirgaliyo habka
siysadded nabadeed ee kor ku
xusan.
Kooxaha diida habka
siyaasadda nabadeed iyo
dib-u-heshiinta ummadeed,
waa in dadweynuhu u
aqoonsaa inay yihiin
dagaal-oogayaal cusub oo
dano gaar iyo kuwo shisheeye
fulinaya, sidaasna loola
dhaqmaa.
Ilaahow eex ha iga tagin
aqoon-darrana ha igu
cadaabin.
Cumar Salaad Cilmi
2/3/2009
Email: oselmi@hotmail.com