
Safarkii MudugNet ee
Magaalo Xeebeedka
Hobyo Galmudug State
Gaalkacyo
8da Setembar, 2010.
Daawo Sawirada
By.Wariye Cabdalle
Wariyaha Gobolka
Mudug Gaar ahaan
Galmudug ee
Warbaahinta
Muudgnet.com
Cabdalle Max’d C/lle
ayaa Dhawaan Waxa uu
Safar Sahqo ugu
Baxay Magaalo
Xeebeedka Hobyo ee
Galmudug oo ah
Magaalo Qadiimi ah
isla Markaana fac
weyn.

Magaalada Hobyo
waxay 160 KM Ujirtaa
Magaalada Gaalkacyo
ee Xarunta Galmudug
Waxaana Labada
Magaalo udhexeeya
Deegaano Badan waa
Marka laga Hadalayo
Wadada Tooska Uga
Baxda Galakacyo
waxay Sii Martaa
Tuulooyin yar yar
iyo kuwo waa weyn oo
ay ka mid Yihiin
Cel-Guula &Wisil oo
ah Degmooyin hoos
taga Gobolka Hobyo
ee Galmudug State

Wadada isku Xirta
Gaalkacyo iyo Hobyo
Waa Mid Jid Cadde ah
oo aan Laami ahayn
Sida la Wada
Ogyahayba Waxaana
Wadada ay tahay Mid
Marxalado Badan leh
marka aad ku
Safrayso Waayo Waxaa
Gaariga uu yahay Mid
Xili ku Socda Xawli
Sareeya Waa Marka ay
Wadada noqoto Ciid
aan Badanay Amase
Jay aan dhagx Badan
lahayn Marna Waxaa
Gaariga uu yahay Mid
ku Socda Gayrka loo
yaqaan Suguntada oo
dhagx Badan wadada
tahay waxa jira Mar
Gaariga uu Galayo
Ciid badan oo uu
Bahaan yahay in Gayr
Culus uu ku socdo
Ama Ritooto Wadaha
Gaariga Darwal kasta
oo uu yahay waa mid ku daalaya Wariye
Cabdalle Ahaan
Waxaan ahaa Sikin
Darwal oo mar mar
aan Darwalka Gaariga
ka Badalayay

Wadada Waxa ugu
liidata inta isku
xirta Docol iyo
Wargalo iyo tan isku
Xirta Gawaan iyo
Ceelasha Saqiiro
ilaa iyo Hobyo waana
Wado Meelna dhagax
ah meelan Ciid Bacad
Ama Bacaad ah

Magaalada Hobyo
Markaan
Marxaladdeeda ka
sheekayno Waa
Magaalo Bulsho Badan
Waxaana ka jira
Ganacsi iska Caadi
ah waxaa ka furan
Dukaamo Gancsi &Maqaayado
Xiliyada Habeenkii
ah aad u shaqeeya
Maadama ay Ramdaan
ahayd Markaan
Safarka ku taganay
Magaalada
Gancsigeeda Waxa uu
ku tiirsn yahay
Kaluumaysiga waxaana
Loo beec Geeyaa
Magaalada Gaalkacyo
oo ay sidoo
Raashinka Safrka iyo
dharkaba looga Qaado

Dhanka Biyaha Hobyo
Waa ay ka liidataa
Ceel Matoorna Kuma
yaal Waxaase Ceelkii
loogu tala Galay
Markii la Geeyay
laga waayay meel uu
qaban karo oo Biyo
Macaan taasi oo
Kaliftay in laga
qodo meel u dhxaxaysa
Gawaan iyo Saqiiro
oo waxa badan ka fog
Hobyo Qorshahana
yahay in Beeb Weyn
dhulka La marsiiyo
lagu Gaarsiiyo
Hobyo Waxaa
Ceelkaasi Hir
Galiayay Hay’adda
Galmudug Concern.
Mid Ceelkaas ku
Mataansan oo Gawaan
loogu tala Galay
waxaa Hir Galisay
Hay’adda G.S.A. oo
isna Hlkaasi Biyah
looag soo jiidayo
Sida ay noo
Xaqiijiyeen
Waxgaradka Maamula
Ceelashaasi

Bulshada Magaalada
Hobyo Waxay
Isticmalaan Ceelal
Gacameedyo Biyo
Macaan oo aan
Sidaasi u badanayn
Waxaana Biyaha ka
Soo dhaamiya Gaari
dameero oo ku iibsda
qiimo dhan Konton
kun oo shilka
Soomaaliga ah Ceell
Gacmeedka Hobyo
Badankood Waa kuwo
dhanaan ah Sida
Badda oo kale
WaxaanaLoo
isticmaalo Adeegyo
ay ka mid yihiin
Myrashada & Dhaqidda
Dharka ooKaliya
Halka kuwa Macaan
Cuntada lagu Karsado

Magaalada Hobyo
dhanka Caafimaadka
waxaa ku yaal Xaruan
Caafimaad MCH oo ay
Hirgaliyeen
Hay’addaha SOSDA &
CISP oo ka Hawl Gala
Deegaanada Galmudug
State MCH-ka Hobyo
waxaa uu qaabilaa
Bukaan Socotada iyo
Qaybta umilisada oo
uu leeyahay Mana
ahan mid kaafin kara
Baahida Caafimaad ee
Hobyo Shilalk
dhaawacyada ah sida
Xabadda oo akle
waxaa loo soo qaadaa
Isbitalka Weyn ee
Magaalada Galkacyo
oo Msf Holand
Gacanta ku Hayso

Dhanka Wax Barashada
Hobyo waxaa ku
yiilay Dugsi Hoose
Dhexe oo Caawinaad
dhanka Agabka
Waxbarashada iyo
Mushaarka
Macalimiinta ka Heli
jiray Hay’adda SOSDA
& Jaaliyadda Dibadda
Qaar Waxaana
Xiligaan uu yahay
mid aan shaqayn
taasi oo Timid
kadib Markii Mid ka
mid ah Hay’adaha
Galmuudg ka howl gala
inay dhsime qurxoon
ka Hirgaliso soo
Bandhigtay waxaana
Markii la Bur
Buriayay dhisimihii
Hore oo la Bilaabay
Aaas Aaaskii
Dhsimaha iskuulka
Kadib is qab qabsi
uu dhex maray wax
Gardka Deegaanka
Hobyo Si Waliba ha
ku yimaadee waxaana
Meesha ka baxay
dhismihii
iskuulka iyo
Waxbarasahdii
Ka socotayba
Wax Garadka Deeganka
oo Mudugnet
Wax ka waydiisay
waxay sheegan in
Xalinta Arintaasi ay
Socoto

Magaalada Hobyo
waxaad ku Arkaysaa
dhsimooyin qadiimi
ah oo ay Ciida
qarisay taasi oo ay
Sababeen Dabaylihii
Sunaamiga ee ku
dhufatay Xeebaha
Sooomaaliya waxaana
Arkaysaa Guryo Gabi
Ahaanba Aaasmay iyo
Taalooyin Taariiki
ah oo Bur bur ku
yimid aana Helin wax
dayac tir ah Sidoo
kale Bur burka
Magaalada ka muuqda
waxaa qayb ka ahaa
Dagaalo Beeleedyo Ka
dhcay Gudaha
Magaalada Xeebta
leh ee Hobyo

Magaalada Hobyo
dhanka Isgaarsiinta
Waxaa ka jira Hal
Shirkad oo ah
Hormuud Waxaana ay
Bixisaa telfonada
Gacanta ee Mobilka
loo yaqaan Mana
lahan mid Land
lanka-ka ee Guryaha
iyo Meheradaha kale
la dhigto Maaalada
Hobyo shirkadda
Hormuud oo mar dhaw
laga Hir Gliayay ka
hor Waxaa laga
Isitcimaali jiray
Telfonka Gacanta ee
Thoraya kaasi oo
Satellite-ka la
Shaqeeya iyo
Taararka Loo yaqaan
Halow Halow.

Magaalada Hobyo
Waxaa ka jira
Shirkadaha
Xawaaladaha Sida
Dahabshiil, Qaran,
Hodan
Galobal, Amal, Aamaana,
iyo Bakaal Waxaana ay dadku iskugu diraan
Lacagaha Meel Waliba
oo ay Aduunka ka
joogaan
Hobyo Malahan Matoor
toos Korontada
Magaalada U siiya
Waxayna dadka Badi
istimaalaan Alaada
loo yaqaan Soolar oo
Badda laga helo
dabkana qoraxada ka
dhaliya Meelaha Qaar
Waxay Shitaan
Matooro u gaar ah
Siiba Maqaayadaha
waxaana sidoo kale
lagu istcmalaaa Jaar
jarka Mobilada
Gacanta oo lagaa
qaadayo Qiime dhan
Toban kun oo
shilinka Soomaaliga ah

Magaalada Hobyo
Waxaa ku yaal Hal
Hotel oo lagu
Macgaabo Hotel
Ducaale Markii aan
tagynay Hobyo waxaan
Gaarigii dhignay
Hotelka oo aan
Rabnay inaan Degno
Waxaanse ka Waynay
Hal qool oo Banana
oo waa Wada Buuxay
Maamulaha Hotelka
waxa uu noo sheegay
in aysan Hayn qolol
Banaan waxaana aan
Degnay Guri uu
leeyahay Mid ka mid
ah Waxgaradka Hobyo
oo lagu Macgaabo
Shariif Wadaad Cadde
oo aan ilaa 3Cisho
Marti u ahayan si
diirana noo Soo
dhaweeyay

Magaalada Hobyo
Waxaa lagu tiriyaa
inay tahay Meelaha
Fariisinka u ah
Buracad Badeeda
Soomalida in kasta
oo aana Arag Meel
Saldhig ay ku
leyihiin Hobyo Marka
laga Reebo Gawaari
Qur qurxoon oo ay
wataan Rag iyo
dumarba Hadana
Waxaa Meel Umuuqata
Xeebta Hobyo aad uga
jeedaysaa Markab
nooca Xamuulka ee
waa wayn oo u
afduuban Buracad
Badeed Soomli ah
kaasi oo Lix Bilood
ka horay ka soo
qafaasheen Badweynta
Hindiya waxaana
Markabka iska leh
Dawladda koofur
Kuuriya Waxa uu
sidaa Saliid Cayriin
oo Ciraaq uu ka
keenay una waday
Marakaynka 24
Shaqaale ayaa Saaran
Waxaa Sidoo kel
meel umuuqata
MakabkA Taagan Doon
yar oo iyana naloo
sheegay inay Wado
Kiimikaal
Shaqaaleana Saaran
yahay ayna kooxo
Buracad Badeed ah
horay ugu Hayteen
Garacad usoo
Weeciyeen Hobyo

Marka laga Soo tago
Dhalinyarada iyo
Raga Maal Galiyaasha
la yiraahdo oo
Maraakiibta ay
u xiran yihiin kuna
Xisaabtama waxa loo
yaqaan Saamiyo
iskugu jira Saami
Sare Saami Dhexe
Saami Badda ah Saami
Biriga ah Waxaa
Sidoo kale Magaalada
Buux dhaafiyay dad
weyen kale oo iskugu
jira waa weyn iyo
dhalinyro Rag &
Dumar Waxayna kuu
sheegayaan markaad
la sheekaysato inay
Sugayaan Shaxaad
Markiibta Raga ay
u xiran yihiin oo
Asxaab ama Ehelo la
ah ay ubalan qaadeen

Mid kamid ah
dhalinyrada Lacagta
Shaxaadka lagu
Sheego Sugaya
Markaan sii
waydiiyay lacagta
Shaxaadka ah ee uu
Sugayo inta ka
Horaysa qaabka uu
ugu nool yahay
Hobyo Waxa uu igu
Yiri “Ninka aan
Shaxaadka ka Sugayo
oo Markabka Saaran
ama Saamiga ku leh
Waxa uu igala
Balamay Maqaayd
Cunto Meel aan
Qaadka ka qaato
Dukaan Dharka kii
aan doono kaga
labisto iyo Hotelka
aan Jiifsanayo
waxaana lagu soo
dalacayaa ninka aan
Sugayo’ Waxa uu ii
sheegay Wiilkaasi
dhalinyrada ah in
dadak Sahxaadka
Meesha ujooga oo ah
ay Sidaasi yihiin

Wiilka
Dhlinyarada waxa uu
i weydiiyay Su’aal
Jawaabteeda aan
Durba Soo qaban
waayay taasi oo
ahayd “Adiga Saaxiib
Ma Saami ayaad
leedahay Mise
Shaxaad ayaad Soo
doonatay? Waxa uu ii
sheegay in Hobyo
dadka jooga
Badankood ay
Suagyaan Shaxaad oo
ay ka yimaadeen
Deegaano ay ka Mid
tahay Muqdisho,
Galkacyo,
Xarardheere, Cadaado,
Garacad, iyo Meelo
kale oo Soomalaiya
ah kadibna Dadk
lacagta Shaxaadka
Hela inay isku
Badalaan Buracad
Badeed oo ay Hub iyo
Doonyo ku iibsadaan
Ayuu iigu daray

Ugu danbaytiina
Magaalada oo ay ku
nool yihiin
Kaluumaysato ayaa
Subax Waliba Badda
ku jarmaada Si ay
uraadsadaan Nolol
Maalmeedkooda
Khayraadka Badda ah
waxayna Sheegn in ay
Xiliagn Badda
dabaylo ay jiraan
oo waxa laga helo
ay yar yihiin Walo
ay dhawdahay
Waqtigii Bad furanka
Waxayna Cabasho
Xoogan ka muujiyeen
Marakiib iyo Ciidamo
Shisheeye oo sheega
inay Badda ujoogan
La dagaalanka
Burcada Badeeda
Balse iyaga
Kaluumaysato ahaan
dhibaato Ugaysta oo
uu yaraaday
Kaluumaysigii
Xeebaha Degmada
Hobyo ee Galmudug
State

W/D/
Cabdalla Max’d
Cabdulle
Mudugnet Galkacyo
Galmudug SOMalia
+25290-752260
+25615-495000
Cabdalla45@hotmail.com