Muqdisho, Jimce, 10ka September, 2010.

Heestii gobollada Soomaaliyeed iyo Codkii Cawaale Aadan


Goboladda kala duwan ee dalka Soomaaliya oo maanta si wadajir ah looga Ogay salaada Ciida SoonFur.
 
Goboladda dalka ayaa maanta si wada jir ah oo aan wax khilaaf ah ku jirin looga Oogay salaadii Ciida Soonfur,iyadoo shacabka saalada Ciida ku tukadeen masaajidada iyo fagaarayaal kale oo ku yaala Goboladda dalka.
 
Magaalada muqdisho ayaa fagaarayaashii salaada Ciida maanta lagu tukaday waxaa ka mid ah,warshadii hore ee Baastadda,Xerada Maslax,Dayniille,Km13,Degaanka calamada,Villa Somalia iyo goobo kale.
 
Sidoo kale Goobihii salaada ciida maanta lagu tukaday waxaa ka mid ah inta badan masaajidada ku yaala degmooyinka gobolka banaadir.
 
Sidoo kale waxaa salaada Ciida saakay laga Ogay goboladda galgaduud,Mudug,Hiiraan,shabeelaha Dhexe,Shabeelaha Hoose,Bay & Bakool,Jubooyinka, Gedo iyo Goboladda Barri iyo waqooyi galbeed ee Soomaaliya.
 
wadooyinka xaafadaha loo barakacay ee Koonfur Galbeed Muqdisho iyo Duleedka Magaalada muqdisho ayaa caruurta iyo haweenka Ku nool si weyn saakay ugu soo baxay Munasabada Ciida,in kastoo degmooyinkii lagu dagaalamay Bishii soonka ay ku nool yihiin dad aad u tiro yar.
 
jawiga magaalada Muqdisho ayaa saakay ka duwan maalmihii la dhaafay oo dagaalo iyo duqeyn madaafiic ay ka jirtay,waxaa saakay xasiloon Degmooyinkii lagu dagaalamay,in kastoo sacad kasta la filan karo inuu dagaal dhaco.
 
Qeybaha Bulshada iyo Culimaa'udiinka soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyadda isku haaya magaalada muqdisho iney joojiyaan dagaalka si bulshada fursad ugu helaan dabaaldaga Munaasabadda Ciida,isla markaana la furo dhamaan wadooyinkii ku xirmay dagaalada.
 


Madaxweynaha dowladda KMG Sheikh Sharif oo qalabka warbaahinta ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed Munaasabadda Ciida iyo Sheikh Sharif oo salaada Ciida Ku tujiyay Xubno ka tirsan labada Golle Masjid ku yaala Vill-Somalia.
 
Madaxweynaha dowladda KMG sheikh Sharif sheikh Axmed ayaa qalabka warbaahinta hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida ugu Diray dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
 
Sheikh Sharif ayaa sheegay in maalinta farxada Ciida la qeybsanaayo shacabka oo soo gutay waajibaadkii bishii ramadaan.
 
Madaxweyne sharif khubadiisa Munaasabadda Ciida ayuu ku soo hadal qaaday xaadaha siyaasada isagoo sheegay in Xukuumadiisa ayu qaadi doonto talaabo ay wax kaga qaban doonto amaanka,isla markaana lagu soo afjaraayo dagaalka Xoogaga ka soo horjeeda,isagoo intaasi ku daray in Xukuumadiisa lagu qasbaayo iney dagaalanto.
 
Sheikh Sharif ayaa talaalo fool xun ku tilmaamay qaraxii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee muqdisho.
 
"waa xeelo kale oo ay la ifbaxeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda markii ay ka quusteen dagaalkii Fool ka foolkah ahaa yuu yiri Sheikh Sharif,isagoo ku baaqay in la joojiyo dhibaatadda lagu haayo shacbka.
 
Dhinaca kale madaxweyne sharif ayaa maanta salaadii Ciida Xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Ku tujiyay masjid ku yaala Villa-somalia,waxaana uu halkaasi ka jeediyay Khubad Diin iyo Siyaasad isugu jirtay.
 


Hogaamiyaha Xisbul islaam oo mar kale ku baaqay in Ciidamada shisheeye ka baxaan dalka soomaaliya ka dib khudbad uu jeediyay salaada Ciida.
 
Hogaamiyaha Xisbul-islaam xasan daahir Aweys ayaa mar kale ku baaqay in Ciidamada Shisheeye isaga baxaan dalka Soomaaliya,isla markaana dagaal uu socon doono in ay jirto faraglinta Milatari ee lagu haayo soomaaliya.
 
sheikh xasan daahir ayaa tilmaamay ineysan Wax wada hadal ah la gali doonin Dowladda KMG inta ay jirto faragalinta shisheeye.
 
Hogaamiyaha Xisbul-islaam ayaa ugu baaqay shacabka iney gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
 
Sheikh xasan ayaa hadalkan ka sheegay fagaare ku yaala Degaanka caalamada oo boqolaal dad ah ay ku tukadeen salaada Ciida.