Goboladda
dalka ayaa maanta si wada jir ah
oo aan wax khilaaf ah ku jirin
looga Oogay salaadii Ciida
Soonfur, iyadoo shacabka saalada
Ciida ku tukadeen masaajidada
iyo fagaarayaal kale oo ku yaala
Goboladda dalka.
Magaalada muqdisho ayaa
fagaarayaashii salaada Ciida
maanta lagu tukaday waxaa ka mid
ah,warshadii hore ee
Baastadda,Xerada
Maslax,Dayniille,Km13,Degaanka
calamada,Villa Somalia iyo goobo
kale.
Sidoo kale Goobihii salaada
ciida maanta lagu tukaday waxaa
ka mid ah inta badan masaajidada
ku yaala degmooyinka gobolka
banaadir.
Sidoo kale waxaa salaada Ciida
saakay laga Ogay goboladda
galgaduud,Mudug,Hiiraan,shabeelaha
Dhexe,Shabeelaha Hoose,Bay &
Bakool,Jubooyinka, Gedo iyo
Goboladda Barri iyo waqooyi
galbeed ee Soomaaliya.
wadooyinka xaafadaha loo
barakacay ee Koonfur Galbeed
Muqdisho iyo Duleedka Magaalada
muqdisho ayaa caruurta iyo
haweenka Ku nool si weyn saakay
ugu soo baxay Munasabada
Ciida,in kastoo degmooyinkii
lagu dagaalamay Bishii soonka ay
ku nool yihiin dad aad u tiro
yar.
jawiga magaalada Muqdisho ayaa
saakay ka duwan maalmihii la
dhaafay oo dagaalo iyo duqeyn
madaafiic ay ka jirtay,waxaa
saakay xasiloon Degmooyinkii
lagu dagaalamay,in kastoo sacad
kasta la filan karo inuu dagaal
dhaco.