Muqdisho, Khamiis, 9ka September, 2010.
Wararkii Duhurnimo


Taliska Ciidamadda AMISOM oo war qoraal ah ka soo saaray qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
 
Taliska ciidamada Midowga afrika ee AMISOM ayaa war qoraal ah ka soo saaray qarxayo is miidaamin ah oo maanta lala beegsaday fariisinka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka caalamiga ah ee muqdisho.
 
Afhayeenka AMISOM Barajiyo Bahooku ayaa war qoraal ah ku sheegay in weerarkii dhacay garoonka Muqdisho ay ku geeriyoodeen 2 ka tirsan askarta AMISOM iyo 3 kale rayid ah.
 
Bahuko waxa kaloo uu sheegay in qaar ka tirsan Askarta AMISOM ku dhaawacmeen weerarkii maanta dhacay, waxaana weerarka maanta dhacay ku edeeyay xarakadda Alshebab.
 
Warka ka soo baxay Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay inay Fashiliyeen Ciidamada AMISOM weerar ismiidaamin ah oo ay sheegeen inay soo qaadeen Xarakada Al Shabaab, waxaana uu sheegay in weerarkaasi ay ku geeriyodeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Ururka Midowga Afrika ee iaaliya garoonka diyaaradaha.
 
Warka ka soo baxaya AMISOM waxaa kaloo lagu sheegeey in ragii weerarka soo qaaday ay ku labisnaayeen dareeska ciidamada dowladda Kmg kuwaasi oo ka soo dagay gaari Runeet ah oo daba socday gaariga koowaad ee qarxay, waxaana kooxahaasi ay gudaha u soo galeen garoonka diyaaradaha iyagoo ridayay rasaas xoogan iyagoo markii dambe isku qarxiyay meel 200 Mitir u jirta dhismaha uu ku fadhiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
 
Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Ciidamada AMISOM ay kaga geeriyootay 8 askari iyo dhaawaca tiro kale.


Xarakadda Alshebab oo sheegatay mas'uuliyadda Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday fariisinka Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka caalimga ee Muqdisho.
 
Xarakadda Alshebab ayaa sheegtay mas'uulitadda weerarkii ismiidaminta ahaa ee maanta ka dhacay garoonka caalimga ee Muqdisho,isla markaana ay ku dileen tiro ka ka mid ah Askarta AMISOM.
 
Adhayeenka xarakadda Alshebab Sheikh Cali Maxamuud raage Sheikh cali dheere ayaa sheegay in weerarka ka dhacay garoonka Diyaaradaha ay fuliyeen Xubno ka tirsan xarakadda alshebab,isla markaana laga gaaray Ujoodooyinkii laga lahaa weerarkaasi.
 
Sheikh Cali dheere ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta uu dhacay xili saraakiil ka tirsan AMISOM iyo xubno kale oo ka yimid dibada shir uga socday garoonka halkaasi uu ka dhacay qasaare baahsan oo soo gaaray saraakiisha Ciidamada AMISOM.
 
weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha waxa uu qeyb ka yahay dagaal iska caabinta kuwa nagu soo duulay ee aan Iclaaminay ayuu yiri sheikh cali dheere oo la hadlaayay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada muqdisho.
 
Afhayeenka alshebab kama uusan hadlin tiradda xubnaha Alshebab ee weeraka fuliyay.

Alshebab ayaa weeraro ismiidaamin ah hore ugu fuliyay Magaalada Muqdisho kaasoo ay la beegsadeen fasiimo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG .


Ciidamada dowladda KMG iyo Kuwa Xisbul-islaam oo dagaalo xoog leh galabta ku dhexmaray magaalada muqdisho.
 
Ciidamadda Dowladda KMG iyo kuwa ururka Xisbul-islaam ayaa galabta dagaalo aad culus ku dhex maray qeybo ka tirsan Degmada Hodon,iyadoo labada dhinac guulo ka kala sheegteen dagaalada galabta dhacay.
 
Afhayeen u hadlay ururka Xisbul-islaam oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan caruus ayaa saxaafadda u sheegay in Ciidamada Ururka Xisbul-islaam weerar ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan qeybo ka tirsan Degmada Hodon, isla markaana ay u geesteen qasaare.
 
Maxamed Cismaan caruus ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen fariisimo dhawr ah oo ay ku lahaayeen Degmada Hodon oo ay ka mid ah yihiin wadada isku xirta isbitaalka Digfeer iyo KM4 iyo goobo kale.
 
Dhinaca kale sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Macalin Gacanay Cabdi Deerow ayaa sheegtay iney iska caabiyeen weerar kaga yimid xoogaga ka soo horjeeda dowladda, isla markaanay ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin fariisimadooda.
 
Dagaalka galabta ka dhacay degmada Hodon ayaa barbar socday Madaafiic aad u culus kuwaasoo ku habsaday degaano ka baxsan goobihii lagu dagaalamay.
 
madfac ku dhacay xaafadda Soonakay ayaa sababay geerida 2 caruur iyo dhaawac kale oo soo gaaray dad rayid ah.
 
Si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalada galabta ka dhacay qeybo ka tirsan Degmada Hodon.


 Culimaa'udiin soomaaliyeed oo ugu baaqay dhinacyadda ku dagaalamaya muqdisho iney joojiyaan dagaalka inta lagu jiro farxada Ciida soonfur.
 
Culimaa'udiin soomaaliyeed oo ku nool gudaha dalka soomaaliya iyo kuwa ku nool waqooyiga Ameerica ayaa ka codsaday dhinacyadda ku dagaalamaya magaalada muqdisho iney joojiyaan dagaalka si umadda u hesho fursad ay ugu dabaal dagaan Munaasabadda Ciida Soonfur oo caawa caalamka islamaaka laga Iclaamiyay in maalinta bari ah tahay maalin Ciid ah.
 
Sheikh C/raxmaan macalin Ibaarim oo ah imaamka masjidkadaarul Hirja ee ku yaala magaalada Minasota ee dalka mareykanka ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haaya Muqdisho iney joojyaan xabada inta lagu jiro dabaal daga Ciida si bulshadda fursad ugu helaan damaashaadka farxada Ciida,isla markaana ay booqdaan si nabadgalyo.
 
sidoo kale Sheikh C/xakiim C/waaxid oo ka mid ah Culimadda soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ayaa baaq kaasi la mid ah u jeediyay kooxaha ku dagaalamay Muqdisho iney xabada joojiyaan oo umadda fursad u siiyaan dabaaldaga Munaasabadda Ciida.
 
waxa kaloo ugu baaqay kooxaha dagaalamaya iney wada hadlaan oo ay joojiyaan xabadda si loo badbaadiyo dhiiga shacabka maalinta ku daadanaya dagaalada aan hormarka lahayn.
 
dagaalada ka socda gudaha dalka soomaaliyada gaar ahaan magaalada muqdisho waxyeelada ugu badan waxaa ay soo gaartaa dadka shacabka ee aan waxba galabsan.