Muqdisho, Khamiis, 9ka September, 2010.


Iska horimaad hubaysan oo shalay galinkii dambe ka dhacay Gobolka HOBYO.
 
Iska horimaad Hubaysan oo sababay dhaawac 4 ruux oo 3 ka mid ah yihiin Burcad Badeed ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay bartamaha Goboka Hobyo ee maamulka G/mudug sida ay Goob joogayaal u xaqiijiyeen Mudugnet.
 
Iska horimaadkan oo dhex maray Nin rayid oo ka tirsan dadka degaanka oo ku hubaysanaa qori AK47 iyo Kooxo Burcad Badeed ah oo sababay ka dib markii Kooxaha Burcad badeed ay gaariga Jiirsiiyeen Ninka qoriga watay.
 
Sedexda Burcadbadeedka ku dhaawacantay shilkaasi ayaa la geeyay Isbitaal ku yaala Koonfurta magaalada G/kacyo,halkii Ninikii degaanka ka soo jeeda dhaawiciisa la sheegay in lagu daaweynaayo magaalada Hobyo.
 
kooxaha Burcadbadeedka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhibaato ku haaya shacabka Reer Hobyo,iyagoo halkaasi afduub ugu heesta 2 Markab iyo Shaqaalahooda. 
 


Ciidamada AMISOM oo xalay Raxan Geel ah ku laayay xaafadda Xalane ee Degmada Wadajir. (Gablama waa ku fuleynimadaas Geela ayay Shabaab u maleeyeen)
 
Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Ex-Dugsigii hore ee Xalane ayaa xalay laayay Geel ku siijeeday Kawaan ku yaala Xalane.
 
Abaare 8:00pm fiidnimo ee xalay ayaa ciidamada AMISOM waxa ay rasaas aad u culus ooda uga qaadeen raxan Geel ah oo ku sii jeeday kawaan ku yaala xaafadda xalane ee Demada WadaJir.
 
7 ka mid ah raxantii Geela ayaa halkaasi ku bakhtisay halka qaar kalena ay ka soo gaareen Dhaawacyo aad u culus sida uu Mudugnet u sheegay Goob jooge degan xaafadda Xalane.
 
Hubka Culus ee Ciidamada AMISOM ay ku rideen Geela ayaa argagax iyo cabsi xoog leh galisay dadka degaanka oo qaarkood ka cararay Guryahooda ka dib marki ay u adkeysan waayeen Rasaasta ay ridayeen Ciidamada AMISOM.
 
weerar kan la mid ah ayaa sanadkii hore Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku dileen Geel aad u fara badan,in kastooo AMISOM ay magdhow ka bixyeen Geelkii ay laayeen.

Xasuuqiddaa Geela aan waxba galabsn ee sanadkii hore ayaa loo aaneeyay askari Saqraan ah, walow ay nagu maqaal tahay inaan wax ciqaab ah loo geysan askarigaa anshax xumida ku dhaqmay balse la dalacsiiyay


 Xubin ka tirsan Golaha wasiirada Dowladda KMG oo ku baaqay inuu is casilo ra'iisulwasaare Sharmaarke.

 
wasiirul dowlaha arimaha Gudaha Dowladda KMG C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay inuu iscasilo ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid sharmaarke oo ku guul dareestay waxqabadkii looga baahnaa Xukuumada uu madaxda ka yahay.
 
C/rashiid Maxamed Xidig oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa ku Eedeyay Xukuumadda Cumar C/rashiid Mid ku fashilantay howlihii looga baahnaa iney qabato mudadii ay jirtay sida uu hadalka u dhigay.
 
Wasiiruldowlaha arimaha gudaha ayaa wax aan xiligan loo baahnayn ku tilmaamay dastuurka cusub ee ay bandhigtay Xukuumadda Cumar C/rashiid,isla markaana ku tilmaamay mid dalka soomaaliya u horseedaya kala qeybsanaan.
 
"ma jiro Khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra'iisulwasaaraha balse waxaa jira xukuumada oo qaban wayday Howlihii looga fadhiyay ayuu yiri C/rashdiid Xidig.
 
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xili halkii ugu sareysay maraayo Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda KMG oo salka ku haaya Dastuurka Cusub ee dhawaan la diyaariyay.
 
Faallo kooban: Jagada wasiiru dowlaha ayaa ah jago magaceed ba'a ah oo nikeed dilatay waa markii labaad ee Siyaasi Jaga beenaadda Wasiiru dowle hayaa uu wax ka sheego ninka madaxa u ah waa ra'iisul wasaaraee, iyadoo uu uga horeeyayNinkii Caan baxay ee Yuusuf Indhacadde oo xilli dowladda Cumar Cabdirashiid naftu ka sii baxeysay Hadallo aanlaga fiirsan afkiisa ka soo fatahmeen, waxaanse Jecleystay Jawaabtii Oday Xasan Aweys siiyay Yuusuf Indhacadde oo noqotay xikmad aan meel ku qortay oo marka dhacdadaas mid la mid ah soo laba noqoto aan cuskado sida ul oday waayeel ah ku tukubaayo taasoo aheyd :
" Yuusuf Indhacadde Nin dibir lala helay oo dhulka yaala ayuu Candhuuf ku tufay"
Waxaanse Rajeynaa Odayada ku heybta ah Mr. Xiddig mid ka mid ah inuu Jawaab dhaxal gal ah siiyo oo la mug ah jawaabtii Aa Aweys. 
Abtidoon Aw-Baahalow.
 

 
Dowladda KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda oo Guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
 
Dagaalo aad u culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG oo taageeraka helaya Kuwa AMISOM iyo Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ayaa shalay galinkii dambe ilaa fiidkii xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo dagaaladaasi guulo ay ka kala sheegteen qaybaha iska soo horjeeda.
 
Afhayeen u hadlay Dowladda KMG oo lagu magacaabo C/risaaq Qeylow ayaa saaxafada u sheegay in Hormar iyo guulo ka gaareen dagaalkii shalay galinkii dambe ka dhacay degmooyinka waqooyi sida Boondheere, Shangaani iyo Shibis.
 
Afhayeenka ayaa sheegay iney dileen qaar badan oo ka tirsan Ciidamada Mucaaradka ,isla markaana ay ka qabteen Maxaabiis uu ku jira sarkaal sare.
 
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay xarakadda Alshebab oo lagu magacaabo Sheikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay iney iska caabiyeen weerar kaga yimid Ciidamada dowladda KMG iyo Kuwa aaga dagaalka ee degmooyinka waqooyi,isla markaana ay dileen tiro badan oo ah kuwii ku soo duulay,ayna ka furteen hub fara badan oo ay ka mid ayihiin Qoriga loo yaqaano RPG.
 
waxa kaloo uu sheegay Afhayeenka Alshebab in sidoo kale guulo ay ka gaareen dagaalo Culus oo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula galeen degmada Hodon ee Gobolka banaadir.
 
Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheegayaan kooxaha iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Degmooyin ka tirsan gobolka banaadir,in kastoo qasaaraha soo gaaraya dadka rayid ah yihiin kuwa aan cidna iska warsan.
 
Ugu yaraan 10 ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyootay dagaaladiii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo dhaawaca 30 kale,kuwaasoo madaafiic iyo rasaas habow ah ugu tagtay guryahooda.
 

Ra'iisulwasaare Sharmaarke oo xildhibaano ka tirsan baarlamanka ka codsday iney Ansixiyaan Dastuurka lagu muransan yahay.
 
Ra'iisulwasaaraha Dowladda KMG Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa ka codsaday xubno ka tirsan baarlamnaka soomaaliya xalay uu kula shiray magaalada Nirobi iney Ansixiyaan dastuurka Cusub ee lagu muran san yahay.
 
Cumar C/rashiid oo casho ugu sameeyay Hotel ku yaala nairobi Mudanayaal ka tirsan baarlamanka ayuu kaga hadlay qodobo kabadan oo ay ka mid tahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweeyne sharif kaasoo salka ku haaya Dastuurka cusub.
 
Ra'iisulwasaare Sharmaarka ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadda baarlamanka iney yihiin awood kaliya ee wax ansixin karta ama diidi karta marka laga hadlaayo sharciga.
 
Cumar C/rashiid ayaa kulankii xalay xildhibaanadda hortooda ka qirtay qaladaadkii iyo xad gudubkii dhinaca Sharciga ah ee uu ku sameeyay qoraalkii u gudbiyay Qaramada Midoobay ee Ku saabsanaan dastuurka Cusub.
 
Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid kulankii uu xalay la yeeshay Xildhibaanada qaar ayaa qeyb ka ah ololaha u ku doonaayo in lagu meel mariyo dastuurka cusub iyo in Xukuumadiisa laga badbaadiyo in la rido.

Faallo Kaleeto: Dastuurkan ayaa lagu soo waramayaa inuu kala fogeeya Ina Cabdirashiid iyo ina Sh. Axmed (Magaciis ba'a Madaxweynaha magac u yaalka ah Waa Shariif), waxaase la soo sheegayaa in Shariif ku saxsan yahay Bacdamaa uu ka caana diidsan yahay Qodob Cusub oo dastuurkaan lagu soo daray oo baneeynaya "in Jagada Madaxweynenimada Qofka Qabanaayo aan Diin lagu xiri karin oo uu Masiixi, Yuhuud ama Madax duub Singa singa ah noqon karo" , Cumar oo Beesaani Kanadees ah ayaa u arka qodobkaas mid Kuul (Cool) ah halka sharifna Yiri Kabahaan ku tukahaa hadii Qodobkaas la i marsiiyo AnnaWaxaan Iri Shariif wow hadashay sidii Igaar Baashaalay oo ina Sakiin korkeeda ku abaabay Alfa Mabruuka tii Afaraadna ku soo dar ileen Beesa Xaaraan ah jeebka waa kaaga Buuxdaaye Faja ha ku jabiyee Waq Kitaab Gaablow kor kuu xiraaye! - Abtidoon Aw-Baahalow. 

 
Mudugnet-News, Mogadishu, Somalia.