Muqdisho, Arbaco, 8da September, 2010.


Xarakadda Alshebab iyo Ururka Xisbul islaam oo Iclaamiyay Goobo cayiman oo loogu tala galay in lagu tukado salaada Ciida.
 
Shir jaraa'id oo maanta magaalada muqdisho si gaar gaar ah ugu qabteen mas'uuliyiin ka kala tirsan xarakadda alshebab iyo Ururka Xisbul islaam ayaa waxa ay ku Iclaamiyeen Goobo loogu tala galay in lagu tukado salaada Ciida soonfur oo lagu wado maalinta Barri.
 
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir xarakadda Alshebab Sheikh Cali Maxamuud raage oo saaxafadda la hadlaayay ayaa sheegay in 5 goobood ay u iclaamiyeen Tukashada Salaada Ciida.
 
Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa amar ku bixyay in la xiro dhamaan Masaajida si shacabka ay ugu tukadaan Goobaha loo Iclaamiyay oo ay ka mid yihiin Stidoumka weynee Muqdisho iyo Xerada Maslax.
 
Sidoo kale maamulka Gobolka banaadir ee ururka Xisbul islaam ayaa maanta Iclaamiyay goobo loogu tala galay in lagu tukado salaada Ciida,isla markaana ku baaqay in bari la xiro masaajida ku yaala Goobaha ay ka taliyaan.


Maamulka Degmada Guri Ceel oo dad badan u xiray weerar bam oo xalay mar kale lagun qaaday Guriga gudoomiyaha Degmada Guriceel.
 
in ka badan 10 ruux ayaa saakay loo taxaabay xabsiga Degmada Guriceel ka dib markii qabqabtay howlgal lagu baadi goobaayo kooxihii ka dambeeyay weerarkii bam ee xalay fiidkii lagu qaaday Guriga gudoomiyaha maamulka Degmada Guriceel Cismaan Ciise taardhuleed.
 
Gudoomiye Kuxigeenka maamulka degmada Cali Baashi diiriye oo ka hadlay Weerarkii lala beegsaday Guriga Gudoomiyaha iyo Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa sheegay iney wali wadaan baaritaano la xiriira cidii ka dambeeysay weerarkii xalay,isla markaana dadka la soo qabqabtay ay yihiin kuwa lagu tuhunsan yahay iney xiriir la leeyihiin weerarkii Bam ee xalay dhacay.
 
Xalay abaare 7:00pm ayaa Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday Guriga degmada Guriceel uu ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Cismaan Ciise,waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay 3 caruur ah uu dhalay Gudoomiyaha Degmada.
 
weerar kan la mid ah ayaa bishii hore lagu dhaawacay Gudoomiyaha Degmada iyo qaar ka tirsan Caruurtiisa.


Ciidamada Uganda oo xabsiga u taxaabay wadayaasha Tagsiyada soomaalida ee ka shaqeeya garoonka diyaaradah Enttebe.
 
Ciidamada Amaanka dalka Uganda ayaa xiray in ka badan 10 ka mid ah wadayaasha Taxi soomaalida ee ka shaqeeya garoonka Diyaaradaha ee Enttebe ka dib markii waayay dad soomaali ah ay ka damiinteen garoonka diyaaradaha.
 
Goob joogayaal ku sugan magaalada Kampala ayaa Mudugnet u sheegay in 12 ka tirsan wadayaasha Tagaasida soomaalida xabsiga loo taxaabay ka dib markii ciidamada amaanka ay sheegeen in ay waayeen dad soomaali ah oo ay ka damiinteen wadayaasha Tagaasida xiligii dadkaasi garoonka diyaaradaha ay ka soo dagayeen.
 
Uganda ayaa adkeysay sharciga dadka doonaaya iney tagaan dalkaasi tan iyo markii qaraxyada ay ka dhaceen magaalada kampala 11julay.


AMISOM oo sheegtay inaan la dhayalsan karin hanjabaada ka soo yeertay xubin sare oo ka tirsan xarakadda Alshebab.
 
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho barajiya Bahuku ayaa sheegay inaan la dhayalsan karin hanjabaada ka soo yeertay Hogaamiye sare oo ka tirsan xarakadda Alshebab maalintii shalay.
 
Bahuku oo la hadlaayay qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Uganda in aysan dhayalsan hanjabaadii shalay xarakadda alshabaab u jeediyeen shacabka Uganda iyo ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho.
 
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya uusan masuul ka aheeyn Madaxweynaha Uganda Yuweeri,isla markaana dowladda Uganda ay awood u leedahay inay ka hortagto isku dey kasta oo xarakadda alshebab ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan shacabka Uganda iyo ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.
 
Hadalka ka soo yeeray AMISOM ayaa yimid maalin ka dib markii sarkaar sare oo ka tirsan xarakadda Alshebab maalintii shalay Diginiin u culsu u diray Dowladda KMG oo ku saabsan ciidamada Cusub ee Uganda sheegtay iney u soo dirayso dalka soomaaliya.
 
Xarakadda Alshebab ayaa sheegtay iney mas'uul ka ahaayeen qaraxyadii bishii julay ka dhacay magaalada kampala ee dalka Uganda,kaasoo ay ku geeriyooden in ka badan 70 ruux oo daawanayay Ciyaarii kama dambaysta ee Koobka Aduunka 2010 ee lagu qabtay dalka K/Afrika.
 
Mudugnet-news