Muqdisho, Talaado, 7da September, 2010.


Faallo

Warbaahinta Soomaalida oo beryahaan dambe Muujiyay Xiiso balaaran oo ay u hayaan Wararka GalMudug oo iska soo qora warar aan sal iyo Baar laheyn oo ay fidiyaan Canaasiir Reer Puntland ah oo wariyanimo ku shaqeysto

MudugNet, Toronto, Canada. Talaado 7da September 2010.

Waxaa soo if baxay war xun tashiilyaal saldhiggoodu yahay Dhanka Gaalkacyo, Puntland oo u shaqeeya Shabakadaha waaweyn ee ay shabeelle ka mid tahay oo si ay u xalaaleystaan Gunnadooda iska soo qora wrarar aan sal iyo baar toona laheyn ee dhanka GalMudug ah, taasoo keenta in warbaahinta kale na ka qaataan.

Waxaa xaqiiqdu tahay ragga wararka soo qoraaya ineysan awood u laheyn iney tagaan Dhanka GalMudug oo ay war sugan ka soo tabiyaan , mana heystaan ilo xog ogaal a, kumana sheegaan isha halka ay warka ka helaan.

Wararkii Shalay ee uu Wariyaha MudugNet ee Muqdisho noo soo gudbiyay  war ka mid ah ayaa Tusaale u ah jaha wareerkaas, kaasoo tibaaxayay in Taliyaha Booliska GalMudug uu eedeyn u jeediyay hay'adda UN ka taasoo ah mid aan dhicin.

Waxaa si toos ah Taliyaha Booliska GalMudug Gaashaanle sare Maxamed Nuur Gaadaar Wareysi ula yeeshay Wariye Cabdalle Maxmed Cabdulle oo wax ka su'aalay eedeymaha uu u jeediyay UN ka , taasoo taliyuhu beeniyay uuna sheegay iney wax kama jiraan tahay aysan jirina cid uu u sheegay, kana website yada.

Haddaba wariye Cabdalla ayaa raali galin buuxda siiyay Taliye Gaadaar iyo Ciidanka Booliska GalMudug, una ballan qaaday inaaney dhici doonin in wararka noocaas oo kale ah MudugNet ka soo qaadato canaasiirta neceb jiritaanka GalMudug iyo horukaceeda.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Howlgallo ay Ciidanka Boolisku GalMudug sameeyeen lagu soo qabqabtay dambiilayaal dilal ka geystay waqooyiga Gaalkacyo, taasoo Taliyuhu ku tilmaamay ineysan jirin wax Gacan ku dhiigle dhanka waqooyi dambi ka soo galay oo ay iyagu qabteen, howlgalka ay sameeyeenna uu yahay mid jira waxa au ku soo qabqabteenna waa rag falal amaan darro ka sameynayay dhanka GalMudug, ayuu taliyuhu warkiisa ku daray.

Wariye Cabdalle oo aad uga xumaa wararkaas oo aan khadka Taleefoonka kula hadlay ayaan u sheegay in hadii asaga laga waayo warar muddo saddex beri ama ka badan ciladaha Internetka awgood ay wariyaasha Muqdisho isku xilqaamayaan iney wararka GalMudug dhankooda ka soo tabiyaan , waana dhici kartaa in khaladaad dhacaan mararka qaarkood, wax dhib ahna uma aragno, ma gafe waa Ilaaheey.

Warbaahinta waaweyn ee Soomaaliya ka howl gasha ayaa waayihii hore qortay wariyaal wararka uga soo tabiya Dhanka Puntland kuwaasoo warkoodu xiisa beelay markaey ka badin waayeen warar sidii suuratul Kaafiruun isku soo noqonoqonaay oo ku saabsan Seeftaa baanaanka, Daahir Xasaasi iyo ina Libaax san kataabte taasoo innaba u cuntami weysay ragga warbaahintaas madaxda ka ah, waxayse iloobeen in wariyaal ka tayo fiican kuwa Puntland ku sugan yihiin GalMudug oo diyaar u ah iney la shaqeeyaan, waase iyaga iyo caqligood, ha qaataan wararka been abuurka ah .

Waxaanse mar dambe dhici doonin in Weriye ka tirsan MudugNet kuwaas wax ka soo qaato.

Cabdisaaq Cadde
MudugNet editor
Toront, Canada.

F.G. Sheekadii Falalkii argagixisanimo ee Hotel Muna iyo Sixirkii ay Maleegeen Maxaakiimta oo uu soo qoray Jaqaf Muumin Saalax dib ayaan u dhigannay inta ka harsan bisha Ramadaan Hadii Alle idmana maalinka Ciidda wixii ka dambeeya ayaan soo Galin doonaa hadii Alle idmo, waana dhacdo run ah oo la soo gudboonaatay Saaxiibkeen Jaqaf .