Muqdisho, Talaado, 7da September, 2010.

Wararkii Galabnimo

Xarakadda Alshebab oo sheegtay iney la wareegeen Degmada Boondheere iyo degaano ka tirsan Degmada Shangaani ka dib dagaalo qaraar oo ay la galeen Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.
 
Afhayeenka Xarakadda Alshebab Sheikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada xarakada ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Boondheere iyo degaano kale oo ka tirsan Degmada Shangaani ka dib dagaalo qaraar oo ay la galeen ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM dagaalkaasoo socday xalay iyo maanta.
 
Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta magaalada muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada xarakadda iminka ku sugan yihiin xaruntii Hore ee Fiisho taraafiko halkaasoo fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda KMG.
 
dhinaca kale Afhayeen u hadlay Dowladda KMG ayaa beeniyay guusha Xarakadda Alshebab ka sheegteen Dagaalada xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo la wareegida Ciidamada Xarakada Degmada Boondheere iyo qeybo ka tirsan degmada shangaani.
 
Xaaladda Goobihii lagu dagaalamay ayaa caawa degan in kastoo rasaas goos goos ah laga maqlaayo aaga hore ee dagaalka.

Qasaaraha ka dhashay dagaaladii xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaya.
 
Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaalo iyo duqeyn madaafiic oo xalay ila iyo saakay ka socotay degmooyin ka tirsan Gobolka banaadir sida ay sheegeen saraakiisha goobaha caafimaadka iyo kuwa gaadiidka Gurmadka Degdega.
 
madaxa gaadiidka Gurmadka degdega ah Nation Link Cali Muuse ayaa sheegay in xalay ilaa iyo saakay ay goobaha caafimaadka gaarsiiyeen 25 ruux oo dhaawac ah ,isla markaana ay arkeen meydka 4 ruux.
 
Cali Muuse ayaa tilmaamay in dhamaan dadka ay qaadeen yihiin dad rayid ah oo madaafiicda iyo rasaasta habow ah ugu tagtay xaafadahooda xiligii ay socdeen dagaalada.
 
Goobaha madaafiicda ku habsatay waxaa ka mid ah Xaafadaha SOS,If iyo Akhiro,X/jabjab ,X/weyne iyo goobo kala oo ka baxsan degaanada lagu dagaalamay xalay iyo maanta.
 
Saraakiisha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaaladii xalai ilaa iyo saakay socday lagu daaweynaayo Isbitaalkaasi.
 
dagaalada Ka socda Muqdisho ayaa qasaaraha ugu badan waxas soo gaaray dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xarakadda Alshebab oo mar kale Digniin Culus u diray Dowladda Uganda.
 
Xarakada Alshebab ayaa mar kale maanta Digniin u diray Dowladda Uganda gaar ahaan madaxweyne Yuwari Musafni,digniintaasoo ku saabsan Ciidamada dheeraadka ah ee dhawaan dowladda Uganda sheegtay in ay u soo direyso dalka soomaaliya.
 
Sheikh Fu'aad Maxamed Qalaf oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee xarakadda Alshebab ayaa uga Digay dowladda Uganda in Ciidamo kale u soo dirto Gudaha dalka soomaaliya.
 
Sheikh Fu'aad oo ka hadlayay Mid mid ah masaajidada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 10,000 kun ee askari uu sheegay Madaxweyne Musafani in loo soo diraayo dalka soomaaliya ay qabuurahooda ka qodon yihiin dalka soomaaliya ayna ka laaban doonaan 15 askari 10,000 kun hadii ay yimaadaan Soomaaliya.
 
Sheikh Fu'aad Maxamed Qalaf ayaa ugu baaqay madaxweynaha Uganda inuu joojiyo talaabada ciidamada ugu soo diraayo dalka soomaaliya,isla markaana faraha kala baxo arimaha umadda soomaaliyeed.
 
"Musafani waa hogaamiyaha kiristaanka Afrika,dagaalka ka socda soomaaliya waxa uu u dhaxeeya kaniisad iyo Masaajid ayuu yiri Sheikh Fu'aad.
 
Xarakadda al shebab ayaa sheegtay qaraxii 11julay ka dhacay magaalada kampala ee dalka Uganda kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo in ka badan 60 Imaam oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho.
 
Gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in maanta xarunta gobolka banaadir ay kula shireen in ka badan imaamada 60 masaajid oo ku yaala Degmooyinka ay maamusho dowladda KMG.
 
Tarsan ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaadaladaha ka jira dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo doorka Culimada soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
 
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sheegay ujeedada shirkan loo qabtay maanta iney tahay doorkii Culimada soomaaliyeed looga baahnaa oo la waayay iyo sidii ay doorkooda u soo ceshan lahaayeen.
 
Tarsan ayaa xusay iney aad uga xun yihiin dhibaatadda ku dhacaysa Umadda soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay balse loo baahan yahay in wax laga qabto.
 
Kulanka ay yeesheen Imaamada masaajidada muqdisho iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo aad u qaraar sacadihii la dhaasfay ay ka dhaceen Degmooyin ka tirsan Gobolka banaadir.
 
Mudugnet-News