Muqdisho, Talaado, 7da September, 2010.


Dagaalo xalay ka qarxay Magaalada Muqdisho oo ilaa iyo saakay ka socda degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir, iyo xarakadda Alshebab oo sheegay iney qabsadeen Degmooyinka C/Casiis iyo Shibis.  

Dagaalo aad u culus iyo duqeymo xalay fiidkii ka bilowday qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo saakay ka socda degmooyinka Boondheere,C/casiis,Shipis, Hodon iyo H/wadaag.,iyadoo dagaalada ay sababeen qasaare soo gaaray dad rayid ah.
 
Madaafiic aad u fara badan ayaa ku dhacday goobo ka baxsan degmooyinka dagaalada ay ka socdaan,iyadoo madaafiicdaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayid ah.
 
Madfac ku dhacay xaafadda SOS ee degmadfa Hiliwaa ayaa sababay dhaawaca 6 caruurah,sidoo kale madfac ku habsaday Degmada X/jabjab ayaa sababay dhimashada Qof rayid ah iyo dhaawaca 3 kale.
 
Shaqaalaha gaadiidka Gurmadka Degdega ayaa sheegay iney xalay isbitaalada gaarsiiyeen dhaawaca in ka badan 12 qof oo rayid ah.
 
Madaafiicda ee ku dhacaysa Goobaha rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa intooda badan ka imaanaysa fariisimadda Ciidamada AMISOM sida ay sheegeen dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw Xeryaha Ciidamada AMISOM.
 
Dhinaca kale xarakadda Alshebab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka xalay fiidkii ilaa saakay ka socda Magaalada Muqdisho.
 
Xarakadda Alshebab ayaa sheegtay iney gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta Degmada C/casiis iyo qeybo ka mid ah Degmada shipis,ka dib dagaalo ay la galeen Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.
 
ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda KMG iyo Kuwa AMISOM oo ku saabsan dagaalka culus ee xalay ilaa iyo saakay ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.


Ra'iisulwasaare Sharmaarke oo sheegay in la bixin doono Mushaarka Ciidamada Dowladda KMG, iyo Ra'iisulwasaaraha oo sheegay in uusan waxba kala soconin Xil ka qaadista lagu sameeyay taliyaha Ciidamada Xooga  Dalka General Maxamed Gelle Kaahiye.
 
Ra'iisulwasaaraha dowladda KMG Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa sheegay in dhawaan la bixin doono Musharka Ciidamada Dowladda KMG,isla markaana lacagta loogu tala galay ciidamada ay ku xayiran tahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Cumar C/rashiid oo wareysi la yeelatay laanta Afka soomaaliga BBC-da ayaa tilmaamay waxyaabaha dalka Kenya u joogo ay ka mid tahay sidii mushaarka ciidamada ku xayiran Nairobi loo heli lahaa.
 
Hadalka ra'iisulwasaare Sharmaarke ee ku saabsan Mushaarka Ciidamada ayaa yimid ka dib markii maalintii shalay ciidamada Booliska Dowladda KMG ay sameeyeen Gadood ay kaga cabanayaan Mushaar la'aan.
 
Dhinaca kale ra'iisulwasaare Sharmaarke ayaa sheegay in uusan waxba kala soconin Xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay taliyihii Ciidamada Xooga Dowladda KMG General Maxamed Gelle kaahiye,isla markaana uu arintaasi kala hadli doono Madaxweyne Sharif sida ay ku dhacday Xilka ka qaadista taliyaha Ciidamada.
 
Xil ka qaadista Taliyaha Ciidamada Xooga dowlada KMG ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn looga hadal haayay magaalada Muqdisho,iyadoo warar kale oo aan la xaqiijin ay sheegeen in sidoo kale xilkii taliyaha Booliska laga qaaday General Cali Madoobe.
 
Arimahan ayaa ku soo beegmaya Xili khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan dastuurka Cusub uu soo kala dhex galay madaxda Sare ee Dowlada KMG oo ku kala aragti duwan dastuurka ay soo diyaariyeen Gudi Madax badanaan iyo Qaramada Midoobay.


Wasiiro ka tirsan maamulka G/mudug oo booqday Xeryaha barakacayaasha ee ku yaala Bariga iyo Koonfurta G/kacyo.
 
Gudi dhawaan loo magacaabay uruurinta Deeqaha loogu tala galay barakacayaasha Ciida Soonfur ayaa shlay galinkii dambe Booqday 3 xero ku ka yaala bariga iyo Koonfurta Magaalada G/kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
 
wasiirka ganaacsiga maamulka G/mudug Saadaq Daahir iyo wafdi uu hoaaminaayo ayaa booqday xerada si ay ugu kuurgalaan bahida ka jirta Xeradda iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin dadka barakacayaasha ah.
 
wasiirka ganaacsiga oo saxaafadda la hadlaayay ka dib kormeerkii ay ku tageen Xeryaha barakacayaasha ayaa sheegay iney socdaan dadaalo deeqo loogu uruurinayo barakacayasha ku nool bariga iyo koonfurta G/kacyo,isla markaana deeqahaasi la gaarsiin doono ka hor maalinta Ciida.
 
Mudane Saadaq ayaa intaasi ku daray in uruurinta deeqahaasi iminka ku howlan yihiin ganaacsatadda G/mudug iyo jaaliyadaha dibadda.
 
Dhawaan ayaa maamulka G/mudug Gudi heer wasiiro ah u magacaabay in kaalmo loo uruuriyo dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka,kuwaasoo intooda badan ah dad ka cararay dagaalada ka socda koonfurta dalka soomaaliya. 


Ra'iisulwasare Sharmaarke oo sheegay iney socdaan qorshayaal la doonaayo in lagu Rido Xukuumadiisa.
 
Ra'iisulwasaaraha Dowladda KMG Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa sheegay in qaar ka tirsan xildhibanadda baarlamanka soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan ololle la doonaayo in lagu rido xukuumada uu madax ka yahay.
 
Cumar C/rashiid ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xiligan qaar ka tirsan Xildhibano soomaaliyeed ay ku howlan yihiin abuurida khilaf hor leh oo dib u dhac ku keeni kara Howlaha dowladda KMG sida uu hadalka u dhigay.
 
Cumar C/rashiid ma jirto cid si toos ah ugu Edeeyay iney ku howlan tahay maja xaabinta Xukuumada uu madaxda ka yahay, in kastoo ay jiraan khilaaf salka ku haaya dastuurka cusub oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne sharif sheikh Axmed.
 
Xildhibaano dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku gacansaray dastuurka cusub iyagoona ku tilmaamay dastuurka inuu yahay mid ay soo qoreen Gudi sharci daro ku dhisan ah iyo Qaramada Midoobay.
 
Khilaafka ka dhashay dastuurka cusub ayaa noqday xiisada ugu weyn ee haraysay madaxda Dowladda KMG oo taageero ka kala heysta Xildhibaanadda KMG.