Muqdisho, Isniin, 6da September, 2010.


Taliska Booliska maamulka Galmudug oo Eedeyn Kulul u jeediyay hay'adaha UNDP.
 
Taliska Ciidamada Booliska maamulka Galmudug State ayaa ku Eedeeyay hay'ada UNDP iney ka gaabisay taageeradda Booliska Maamulka Galmudug oo hay'ada UNDP horey u balanqaaday iney taageeri doonto Ciidamada Booliska.
 
Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Galmudug Cornel Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa si kulu ugu edeeyay hay'ada UNDP iney bixin wayday Mushaarkii iyo qalabka kala ee ay u baahan yihiin Ciidamada Booliska.
 
Cornel Gadaar ayaa sheegay in hay'ada UNDP bixiso mushaarka iyo qalabka ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska maamuladda Puntland iyo Somaliland, isla markaana aysan ogayn sababta hay'ada UNDP uga gaabisay taageeradda Ciidamada Booliska Galmudug.
 
Hadalka ka soo yeeray taliska Booliska maamulka Galmudug ayaa yimid xili dhawaan Wafdi ka socday Hay'adaha Qaramada Midoobay booqosho ku tageen maamulka Galmudug iyadoo Qaramada Midoobay balan qaaday wax ka qabshada xaaladaha ka jira Gobolka.


Howlgalo lagu sugaayo Amaanka magaalada Gaalkacyo oo si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Galmudug iyo Puntland.
 
Howlgalo amaanka lagu sugaayo ayaa Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Puntland waxa ay ka sameeyeen Gudaha magaalada Gaalkacyo iyo Degaanada hoos yimaada maamulka magaalada.
 
Taliyaha ciidamada Booliska Galmudug Cornel Maxamed Nuur Cali Gadaar oo saxaafada kula hadlaayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in howlgal wada jir ah oo ay sameeyeen Ciidamada labada maamul lagu qabqabtay Burcad falal isugu jira dhac iyo dil ka sameeyay Gobolka Mudug, isla markaana ay u taxaabeen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.
 
Howlgalkan Ciidamada oo saacadihii la dhaafay laga sameeyay Gudaha iyo daafaha Magaalada Gaalkacyo waxaa kaloo lagu soo qabtay dad lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen dilkii dhawaan waqooyiga Gaalkacyo loo geestay mid ka mid ah shaqaaliha radio Daljir sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu magacaabo C/rashiid Cadceed.
 
Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii la dhaafay ahaa mid faraha ka baxay, iyadoo kooxo hubsayn dil iyo dhac kula kacayaan dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada.


Ciidamo ka Gadoodsan Mushaar la'aan iyo daryeel Xumo oo maanta Xiray wadooyin ku yaala Degmooyinka ay maamusho Dowladda KMG.
 
Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda oo ka gadoodsan Mushaar la 'aan iyo Daryeel xumo ayaa maanta xirey isku socodka qeybo ka mid ah wadooyinka degmooyinka gobolka Banaadir ee ay maamusho dowlada KMG.
 
Ciidamada ayaa saakay xirey inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho, iyagoo wadadaasi u diiday isticmaalka gaadiidka dadweynaha iyo shacabka,iyadoo wadadaasi ay tahay wadada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.
 
Talaabadan ay maanta ku dhaqaaqeen Ciidamada Booliska Dowladda KMG waxaa cabasho balaaran ka muujiyay Wadayaasha gaadiidka BL-ka iyo shacabka oo saakay loo diiday iney isticmaalaan wadadaasi.
 
Isku socodka wadada ayaa saacado ka dib caadi ku soo laabatay markii ay ka tageen halkaasi Ciidamadii gadoodka sameynaayay,mana jirto ilaa iyo hada mas'uul ka tirsan Ciidamada oo ka hadlay gadoodka ay sameyeen Ciidamada.


Ra'iisulwasaaraha Dowladda KMG  oo  Xubno ka tirsan kulamo Beesha caalamka iyo madaxda IGAD kula leh magaalada Nairobi.
 
Wafdi uu hogaaminaayo ra'iisyulwasaaraha dowladda KMG oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta waxa uu kulamo la leeyahay Xubno ka tirsan Beesha caalamka,IGAD iyo Qaramada Midoobay.
 
Ra’iisul wasaaraha Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa la sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay kala hadlaya arimo ku saabsan dhinaca amaanka iyo taageeradda dhinaca Dhaqaalaha Dowladda KMG.
 
Wasiirka arimaha dibadda Dowladda KMG Yuusuf Dheeg oo ka mid ah wafdiga ra'iisulwasaaraha ayaa saxaafadda u sheegay in sidoo kale Magaalada nairobi Maalinta Barri ah ka furmo doono kulanka wasiiradda Arimaha Dibadda wadamada IGAD,kulankaasoo intiisa badan looga hadli doono Arimaha dalka soomaaliya.
 
Socdaalka ra'iisulwasaare Sharmaarke ayaa ku soo beegmay xili khilaaf xoogan u dhaxeeyo madaxda sare ee dowlada, khilaaf kaasoo ka dhashay Dastuurka Cusub ee dhawaan ay soo diyaariyeen Gudi madax banaan iyo qaramada Midoobay.


Dagaalo xoog leh oo caawa ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada muqdisho.
 
Dagaalo xoog leh oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG oo taageeraya kuwa AMISOM iyo xoogaga Mucaaradka ayaa caawa mar kale ka qarxay degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Boondheere,iyo Shibis.
 
Dagaalka oo la isku adeegsaday Hubka culus iyo Madaafiic ayaa saamayn ku yeeshay goobo ka baxsan degmooyinka dagaalka ka socdo.
 
Tiro madaafiic ah ayaa ku habsatay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag iyo suuqa bakaaraha sida ay sheegeen goob joogayaal.
 
Waxaa sidoo kale Madfac sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku habsaday xaafadda sheelari oo ka tirsan Degmada Xamar jabjab sida ay sheegeen dadka degaanka.
 
Si dhab ah looma oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka caawa ka qarxay degmooyin ka tirsan Gobolka banaadir sababo la xiriira dagaalka oo qarxay xili habeen ah.
Dhinacyadda ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la dhaafay waday diyaargarow dagaal.
 
Xarakadda Alshebab ayaa maalintii shalay magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Boqolaal Ciidan oo soo dhameestay Tababar kuwaasoo qeyb ah ciidamada Xarakada Alshebab ee loo diyaariyay dagaalada muqdisho.
 
Sidoo kale waxaa garoonka magaalada Muqdisho ka soo dagaayay ciidamo iyo saanad milatari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo qeyb ka ah dagaalka Muqdisho.