Muqdisho, Axad, 5ta September, 2010.


 

Maamulka Galmudug oo sheegay in Ciidamo la dagaalama Burcadbadeedka ay geeyeen Gobolka Hobyo.

 

Maamullka Galmudug State ayaa  markii ugu horeyasay shaaca ka qaaday in ciidamo la dagaalama Kooxaha Burcadbadeedka u direen Gobolka Hobyo si ay u soo afjaraan Howlaha Burcadbadeedka halkaasi ay ka wadaan.

 

midig: Wasiirka kaluumeysiga iyo Dekedaha GalMudug State Mudaane Maxamed Warsame Cali

Bidix Madaxa la dagaalanka Burcad badeedka Tahliil Muuse Careysane

Photo By Cabdalle M. Cabdulle

Wasiirka kaluumaysiga iyo Dekadaha maamulka Galmudug Maxamed Cali Warsame ayaa sheegay in 100 ka tirsan Ciidamada maamulka G/mudug u direen Gobolka Hobyo si ay ula dagalamaan Kooxaha Burcad badeedka ee halkaasi Afduubka ugu heesta Maraakiib shisheeye iyo shaqaalle Ajaaniib ah.

 

Wasiirka  Kaluumaysiga iyo Dekadaha maamulka G/mudug waxa uu intaasi ku daray in Cidamada Maamulka G/mudug aysan haysan qalab ku filan oo ay kaga hortagaan kooxahan dhibaatadda ku haaya dadka iyo degaanka Gobolka Hobyo.

 

Degmada Hobyo  ee gobolka Mudug ayaa ka mid ah Goobaha caanka ku yihiin Burcad Badeedka soomaalida waxaana Xeebaha Hobyo iminka lagu heestaa 2 Markab iyo shaqaalahooda.

 

Howlaha Burcadbadeedka ka wadaan Hobyo ayaa sababtay Hoos u dhac weyn oo ku yimaada Howlihii Kaluumaysiga Gobolka oo dadka badan ku xerneed noloshooda.

 


Diyaar-garowga Munaasabadda Ciida SoonFur oo ka bilaabatay Goboladda dalka Soomaaliya iyo Xarakadda Alshebab oo Digniin ka soo saaray ganaasiga Agabka Caruurta ku ciyaaraan.
 
Diyaar-Garowga Munaasabadda Ciida SoonFur ayaa ka bilaabatay guud ahaan gobolada dalka soomaaliya,xili maalmo yar ka dhiman tahay Bilshada Bisha Shawaal.
 
Dhaqdhaqaaaq ganaacsi oo xoog leh ayaa ka bilowday suuqyadda kala duwan ee goboladda dalka soomaaliya waxaana dadka si weyn ugu mashquul san yihiin gadashada dharka Ciida caruurta iyo Agarbka kale ee ciidaha loogu tala galay iney ku ciyaaraan Caruurta.
 
Goboladda dhexe ee soomaaliya, Puntland,somaaliland,Banaadir,Jobooyinka Bay &Bakool,Geddo iyo labadda shabeelle ayaa si weyn laga dareemayaa dhaq dhaqaaqa diyaar Garowga Ciida,waxaana aad mashquul u ah Goobaha ganaacsiga dharka,in kastoo Ganaacsiga goboladda ku Dhow dhow banaadir saamayn ku yeesheen dagaaladda Ka socda Muqdisho.
 
Dhinaca kale maamulka Xarakadda Alshebab ee ka taliya inta badan gobolada Koonfurta soomaaliya ayaa soo saaray Awaamiir ay ku mamnuucayaan ganacsiga Agarbka caruuta ay ku ciyaaraan sida Baaruuda iyo bastooladaha,cidii lagu arkana laga qaadi doono talaabo aysan sheegin waxa ay noqon doonto.
 

 
Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo maanta deeq gaarsiiyay fanaaniinta soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
 
Ururka haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta deeq lacag ah gaarsiiyay fanaaniinta Hoboladda Waaberi ee ku nool xaruntii Hore ee Ex-Fiyoore oo ay ku nool yihiin inta badan fanaaniintii qaranka iyo Agoontii ay ka geeriyoodeen fanaaniinta soomaaliyeed.
 
Kusimaha Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Canab Xirisi Cilmi ayaa fanaaniinta qaranka Gudoonsiisay lacag Deeq ah oo ay soo dhiibeen Haween soomaaliyeed oo ku nool Dalka Kuwiat.
 
Marwo Canab ayaa ugu baaqday jaaliyadaha kale ee ku nool caalamka iney qaadaan talaabada ay qaadeen haweenka Soomaaliyeed ee ku Nool Kuwait ee kaalmadda loogu fidiyay Hoboladda Qaranka.
 
Sidoo kale Kusimaha Gudoomiyaha Haweenka waxay baaq u jeedisay fanaaniinta soomaaliyeed ee Ku nool caalamka iney soo gargaaraan saaxiibadooda kale ee ku dhibaataysan Gudaha dalka soomaaliyeed.
 
Munaasabada deeqda lagu gudoonsiiyay fanaaniinta soomaaliyeed waxaa ka hadlay Abwaan cabdi Dhuux iyo fanaanka caanka ah Axmaday Cabdi gaashaan waxa ayna ka mahadceliyeen deeqda la soo gaarsiiyay.
 

 
Barakacayaasha Ku nool magaalada G/kacyo oo ka cabanaya Amaan daro soo wajahday.
 
Barakacayaasha Ku nool Xeryaha Ku yaala waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya falal amaan dari ah oo ay ku hayaan Kooxo Hubaysan Xiliga habeenkii ah.
 
Barakacayaasha ku nool Xeryaha ku yaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in soo food saartay dhibaato dhinaca Amaanka ah oo ay kala Kulmaan Dhalinyaro hubaysan,kuwaasoo xiliga habeenkii ah kula kaca dadka barakacayaasha falal isugu jira Boob iyo Dhac.
 
Dadka ku nool Xeryaha barakacayaasha ku yaala waqooyiga Gaalkacyo ayaa isagu jira dad ka cararay Colaada magaalada Muqdisho iyo Kuwa ka yimid gobolada kale ee Dalka soomaaliya si halkaasi ay uga helaan Nabad iyo Nolol.
 
maamuladda puntland iyo Galmudug ayaa horey u shaaciyay iney wax ka qaban doonaan Amaan darida ka jirta magaalada balse ilaa iyo iminka ma jirto cid wax ka qatay xaalada amaanka Gobolka.

Xarakadda Alshebab oo maanta soo bandhigtay Boqolaal Ciidan ah oo soo dhameestay  tababar.

 

Maamulka Xarakadda Alshebab ayaa maanta  magaalada muqdisho kus oo bandhigay Boqolaal Ciidan oo tababar ku soo qaatay Xeryo ku yaala Gobolada dalka soomaaliya.

 

Munaasabadda Soo bandhigida ciidankan oo lagu qabtay Xaruntii Hore ee Maslax waxaa ka hadlay Afhayeenka Xarakadda Alshebab Sheikh Cali dheere oo sheegay in Ciidanka ay yihiin kuwa ka qeyb qaadan doona dagaalada ay kula jiraan Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.

 

waxa uu ugu baaqay Cali dheere Ciidamada tababarka soo dhameestay iney dhameestiraan waxa uu ugu yeeray cadowga gaalada iyo kuwa Ridada ah.

 

Ciidanka maanta lagu soo bandhigay Xeradda Maslax ayaa ku labisnaa dareeska ciidamada xarakadda Alshebab,waxaana ay ku hubeesnaayeen gaadiidka dagaalka iyo Hub kala Duwan.

 

ma ahan markii ugu horeysay  oo xarakadda Alshabab bandhig Ciidan ku sameeyeen magaalada muqdisho,iyadoo horay u soo bandhigay Ciidan iyo Hub  ay sheegeen iney kula dagaalamayaan Dowladda KMG.