Maamulka xarakadda Alshebab oo
Xukun gacan goyn ah ku fuliyay
dhalinyaro lagu Edeeyay Falal
xatooyo ah.
Maamulka Xarakadda Alshebab
ee magaalada B/weyne ee Gobolka
Hiiraan ayaa maanta Xukun gacan
goyn ah ku filiyay labo
dhalinyaro ah oo lagu Edeeyay
iney jabsadeen Dukaan Ku yaala
magaalada B/weyne.
Xarakadda Alshebab ayaa saakay
Mee fagaare ah gacmaha uga
goysay Haaruun Cabdi Cali iyo
Liibaan Xirsi Husein oo lagu
Edeeyay iney Xadeen alaabo lagu
qiimeeyay hal Miyaln oo shlin
soomaali ah sida uu sheegay
Gudoomiyaha xarakadda Alshebab
ee Gobolka Sheikh Yusuf cali
Ugas oo saxaafadda la hadlayay
ka dib markii xukunka lagu
fuliyay Edeysanayaasha.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee
Xarakadda Alshebab ayaa sheegay
in Maxkamada wilaayadda Gobolka
Hiiraan xukunka ay ku riday
dhalinayaradan ka dib markii n
qirteen dabiga lagu soo edeyay
ee xatooyada.
Sheikh Yuusuf ayaa sheegay in
Go'aanka Xukunkan ay gaartay
Maxkamada gobolka ee xarakadda
Alshebab isla markaana Maxrakada
in badan raadisay qiil looga
maarmi karo in gacmaha looga
jaro dhalinyaradan balse la
wayay.
Ma ahan markii ugu horsay ee
maamulka xarakadda Alshebab ee
ka taliyaha qeybo badan oo dalka
ka tirsan ay fuliyaan Xukun kan
la mid ah.
Sheikh
Sharif Axmed oo ku baaqay in la
sameeyo Gudi qaran oo ka soo
tala bixiya Qabyo qoraalka
dastuurka Cusub ka dib
Warsaxaafadeed uu maanta ka soo
baxay xafiiskiisa.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay
xafiiska Madaxweynuha Dowladda
KMG sheikh sharif oo loo
qerybiyay warbaabinta kala duwan
ayaa u qornaa sidan, Dastuur
cusub oo Soomaaliya loo sameeyo
waa howl qaran oo ahmiyad gaar
ah leh, muggeeduna ballaaran
yahay, taas oo ay tahay in uu
ahaado hab cad oo aan
daldaloollo lahayn islamarkaana
ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco
shacab.
Madaxweyne Sheikh Sharif sheikh
Axmed waxaa kale oo uu tilmaamay
"Si loo helo dastuur dhab ahaan
ay Soomaali leedahay, waa in
qoraalka qabyada ah uu noqdo mid
ay ka dhex muuqato yididiilada
iyo danaha shacabka Soomaaliyeed,
taasina waxaa lagu gaari karaa
ka qeyb-gal dadweyne oo aad u
ballaaran.
Madaxweynuhu isagoo aqoonsan
dadaalka iyo howsha culus ee uu
Guddiga Federaalka Dastuuriga ah
ee Madaxbannaan qabtay, wuxuu
yiri " annagoo og in dastuurkan
qabyada ah uu yahay mid sii
wanaajinaya Axdigii KMG ahaa,
haddana wuxuu u baahan yahay
hufid iyo wax ku darid ka
yimaada muwaadiniinta
Soomaaliyeed, khubarada sharciga,
culumada diinta iyo xubnaha
baarlamaanka si loo xaqiijiyo
inuu ka tujumayo danta iyo
rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Isagoo arrintan ka hadlaya,
Madaxweynuhu wuxuu soojeediyaya
in la sameeyo gudi qaran oo talo
bixin ah oo ka kooban Xubnaha
Baarlamaanka, khubaro sharci,
khubarada dhaqan iyo shacab
weynaha.
"Naf-huriddii iyo dhiiggii
wasiirrada, xubnihii
Baarlamaanka iyo dhiigga hadda
daadanaya ee shacabkeenna iyo
askarteenna ayaa nagu khasbaya
in aan dalbanno Dastuur
dhammeystiran oo aan ceeb lahayn
oo ah mid Soomaalida ka yimid oo
danahooda ku qotoma." Ayuu yiri
Madaxweynuhu.
Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga
oo ishaaraya qaabka loo wejihi
karo samaynta dastuur cusub iyo
ansixintiisaba waxa uu yiri, "Dastuur
si uu ku noqdo dastuur Qaran,
waa in uu helaa afti dadweyne,
waana taa midda laga doonayo
xukuumadda in ay waqtigeeda
isugu geyso sidii lagu gaari
lahaa, furuhuna waa in amniga la
sugo.
"Haddii taa ay ka hor yimaadaan
caqabado waa weyn oo laga
garaabi karo, waxaa xusid mudan
in waxa haddaay
Soomaali haysato oo afti
dadweyne lagu ansixiyey -- uu
yahay Dastuurkii 1960-kii,
Haddaba, iyada oo baarlamaanka
hadda jira ay adeegsanayaan
awoodda uu siiyey Axdiga KMG,
ayay Dastuurkii 60-kii ku dari
karaan qodobada ka dhammin sida
ku dhaqanka shareecada Islaamka
iyo habka maamulka Federaalka ah
go’aankase waa mid baarlamaanka
u yaal." Ayuu hadalkiisa ku
daray Madaxweyne Sheikh Sharif.
Ugu danbayntii, Madaxweynuhu,
isaga oo ka hadlaya, habka
ansixinta dastuurka cusub iyo
sidii horey loogu sii socon
lahaa marka uu dhamaado waqtiga
DFKM ah oo ku eg bisha Ogosto
2011 waxa uu hoosta ka xarriiqay,
"Dowldda Fadaraalka Ku-meel
gaarka, oo ay ka mid yihiin
Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo
Golaha Wasiirada,in aanay weli
si rasmi go’aan uga gaarin habka
iyo qaabka dastuurka cusub loo
ansixin doono, taas oo markii la
dhameeyo qoraal Madaxweynaha
lagu shaacin doono.
Sida ku cad Dastuurkii 60-kii
iyo Axdiga KMG ah, hay’adaha
dastuuriga ah, gaar ahaan
xukuumadda ayaa laga rabaa in ay
soo bandhigaan qorshe hawleed,
baarlamaanka ayaana sharciyad u
haysta in ay sharci ka soo
saaraan qaabka dastuurka loo
ansixinayo iyo dhammaadka
xilliga kala guurka, shuruucdaas
oo dhaqan galaya markii uu
Madaxweynuhu saxiixo.
Faallo:
Sheekh Shariif ma fahmi karaa
Waxa dastuur iyo xeer yahay,
bacdamaa uu ku soo hanaqaaday
dil dhac iyo boob iyo is daba
yaacii maxaakiimta oo qorigu
Dastuurka ahaa Qur'aankana qiil
hadba doc loo weecsho u ahaa.
Sheekh
Shariif oo ka mid ah
wwaxyaabaha mucjisooyinka
adduunka ayaa noqday qofkii ugu
horeeyay adduunka ee noqda
madaxweyne Qaran isagoon maalin
qura Shaqo dowladeed ka shaqeyn
!
Xilkaas
loo dhiibay Shiikhan ilbaxa ah
ee ku horeeya isdaba mariska iyo
laba wajiilanimada ayaa waxaa ka
dambeeyay Axadkii muuqaalka Sare
Muslimka ka ahaa Axmad Ould
Abdalla oo dhib waxaan aheyn u
soo kordhin Soomaaliya kadib
markuu labadii jago ee ugu
sareeyay waddanka u dhiibay
Labada Axad ee aan khibrad
Dowladnimo innaba arag.
Cumar
Cabdirashiid ayaa isaga
waxaa weli lagu leeyahay
Lacagtii deynta Waxbarashada (OSAP-Ontario
studenr Assistance Program)
ee uu ku noolaa xilligii uu
waxbaranayay isagoo aan Canada
gudaheeda wax shaqa ah oo sidaa
loo sii sheegi karo aan ka qaban,
walow uu Shaqo konturaad
(Contract) ah ka helay UN ka oo
aheyd tirakoob laga sameynayay
qaxootiga DaarFuur taasi oo
Gabar careysani xabbad ku
dhufatay Bishii ugu horeysay
shaqada, Resumee ga Cumar
Cabdirashiid ee saxda ahna waa
khibrad hal bil ah oo uu Darfur
ka soo shaqeeyay !
Jagada
xigta Madaxweynaha iyo Ra'iisal
wasaaraha waa midda Ra'iisal
Baarlamaanka oo iyaduna ay isku
badbadaleen Rag ay dugaashatay
aqoom darro iyo
maangaabnimo oo labaduba ka soo
jeeda Gobolka Baay Aadan madoobe aan ku
horeeyo, Wuxuuu ahaan jiray sida
igu maqaalka ah oo aanan hubin
Macallin Dugsi ku haya
deegaanada uu ka soo jeedo,
markii dambana noqday kutaaba
Xoor qabqable dagaal ah oo lagu
tiriyo in dad badani gacantiisa
ku geeriyoodeen.
Shariif
Sakiin ama Shariif Xariif
ayaaaqoon Diin iyo mid
adduun toona lagu heyn, wuxuuse
heystaa Khibrad ah gadisle Jaad
ama Jaadwale isaga oo lacago
fara badan ka sameeyay Jaadka
xilli magaalada Baydhabo dadku u
baaba'ayeen kumanaan lloguna
magac daray magaaladii Geerida
(City of Death) Shariifka
ayaa innaba aqoon luqadaha
Carabiga, Ingiriiska iyo
Talyaaniga Toona wuxuu mar kasta
kasbada aqoon yahano u tarjuma
sida Prof. Ibbi iyo rag kale oo
la mid ah.
Shariif Sakiin ayaa lagu
eedeeyaa inuu lunsaday lacagihii
dhacabka dhibaateysani ugu
soo deeqeen deeq bixiyaasha reer
Galbeedka, isagoo hadda la
sheego inuu leeyahay Xawaalad ka
mid ah xawaaladaha Soomaalida,
sidoo kalena la sheego inuu
Qasriyo ka agatay Dhula
shisheeye isaga Madaxweyne
Shariif na isla og yihiin.
Aakhiro
maxaa xisaab rag sugeysa.
Faaladaan Waxaa qoray oo ay u
gaar tahay Laashin Abtidoon
Baahalow
Musician caan ah oo xalay ku
geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariisteen Maxamed
Cabdi Kheyre (Beerfale) oo ka
tirsanaa Hoboladii waaberi ayaa
xalay ku geeriyooday magaalada
Muqdisho ka dib markii in mudo
ah uu xanuunsanaa.
Abwaan siciid Xarawo oo ka
hadlay taariikh Musication-ka
Marxuum Beerfalle ayaa sheegay
inuu fanka ka soo galay dhinaca
Ciidamadii Xooga isla markaana
uu ka mid ahaa Musician-nadii
lagu aasaasay hoboladii waaberi,
waxaana Marxuumka Muusiga uu ku
soo bartay dalka Masar.
Marxuum Beerfalle ayaa ka soo
qeybqaatay riwaayado fara
badan,sida Wad iyo Wacad,If iyo
Aakhiro, Xisaab Xil ma leh iyo
kuwa kale isagoo garaaci jiray
turumbet ka nooc ka mid ah oo la
yiraahdo Koorneeto ama Cornet
isagoo ka mid ahaa musicianada
looga dambeeyay.
Marxuumka
Caruurtiisii ayaa ka mid ahaa
jilayaashii filimkii Cilmi iyo
Caada iyagoo ahaa xiligaas
ilmaha ugu caansan ee Caruurta
Fanaaninnta.
Allaha u Naxariistee Marxuum
Maxamed Cabdi Beerfalle ayaa
ifka kaga tagay xaas iyo caruur.
Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed
ayaa ay soo foodsaartay
dhibaatooyin Badan tan iyo
burburkii Dowladii dhexe ee
Soomaaliya iyagoo aan innaba
helin daryeel dhan kasta ah
aysanna jirin wax Camal ah oo ay
sameeyaan, Waxaana badankood ay
yihiin kuwa wadaniyadi ku
dheehan tahay oo door biday iney
dadkooda la qeybsadaan waayaha
adduunka iyo isbaddalada
dhacaaya, kuwooda qurbaha soo
gaaray ayaan wax war ah ka heyn
dhibaatada heysata xylafadoodii
, waxaana Ilaah ka baryeynaa
inuu dhibaatada ka saaro
umaddeena wadankeenana siduu uu
ahaan jiray noogu soo celiyo.
Tifatiraha
MudugNet Laashin Abtidoon
Baahalow oo xiligii uu ka mid
ahaa Ardayda Dugsiyada ee
Waaberi la heesa ayaa Tacsi
tiiraanyo leh u diraaya dhamaan
Caruurtii iyo Xaaskii Allaha u
naxariisto Marxuun Beerfale,
Inaa Li laah wa Inaa
ilayhi Raajucuun.
Dastuurka Cusub oo dhaliyay
khilaaf siyaasadeed mar kale soo
kala dhexgalay Hogaanka sare ee
Dowladda KMG
khilaafkii u dhaxeeyay
Hogaanka sare ee dowladda KMG
ayaa mar kale cirka Isku
shareeyay ka dib markii
Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid
uu qoraal kaga codsanayaao
qaramada Midoobay in la sameeyo
dastuur Cusub loo sameeyo
soomaaliya u qoray qaramada
Midoobay.
Ra'iisulwasaare Sharmaarke ayaa
qoralaakaasi ku sheegay inuu ka
codsanayaay qaramada midoobay in
soomaaliya laga saaro Xiliga KMG.
Mr Sharmaarke ayaa ku tilmaamay
dastuurkan fursad weyn oo ay
heleen shacbka soomaaliyeed
mudadii 20ka sano ee dalka
burburka ka jiray,waxa uu nasiib
daro ku tlmaamay hadalka ka soo
yeeray qaar ka tirsan
xildhibaanadda baarlamanka oo ku
gacansayray Qabyo qoraalka
Dastuurka Cusub isla markaana
Edeyn kulul dusha uga tuuray
Xukuumadda Cumar C/rashiid.
Ra'iisulwasaaraha dowladda
Dowladda KMG ayaa ku Eedeeyay
madaxweyne Sharif uu yahay
caqabada hor taagan meel marinta
dastuurka Cusub ee ay soo
diyaariyeen Gudiga Madax banaan
iyo Qubaro ka tirsan Qarmada
Midoobay.
Xiriirka u dhaxeeya madaxda sare
ee Dowladda ayaan wanaagsanayn
tan iyo markii xil ka qaadista
lagu sameeyay gudoomiyihii hore
ee baarlamanka sheikh Aden
madoobe,waxaan labada dhinac ay
leeyihiin kooxo xildhibaano ah
oo taageersan fegradahooda kala
duwan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa
sheegaya in wafdigii ka socday
Qaramada Midoobay ee dhawaan
yimid Muqdisho waxyaabaha ay
kala hadleen Madaxweyne sharif
uu qeyb ka ahaan Qabyo qoraalka
dastuurka iyo Khilaafka Cusub ee
soo kala dhex galay madaxweynaha
iyo ra'iisulwasaaraha.
Khilaafkan hareeyay hogaanka
sare ee dowladda KMG oo la
daalaadhaceysa Weerarada maalin
laha ee kaga yimaada Xoogaga ka
soo horjeeda ayaa laga yabaa mar
kale in beesha caalamka
faragalin ku soo samayso xalinta
muranka Madaxda Dowladda KMG oo
ka talisa in ka yar 10km oo
caasimada ah.
Waxgaradka iyo Odayaasha
dhaqanka Galmudug oo ku baaqay
in wax laga qabto falal amni
darida Gobolka Mudug. Waxgaradka iyo odayaasha
Dhaqanka maamulka Galmudug State
ayaa ugu baaqay maamulka
Galmudug iney wax ka qabtaan
falalka Amni darida ah e ka
jirta Koonfurta Gobolka Mudug
kadib kulan ay maalintii shalay
ku yeesheen Koofurta magaalada
Gaalkacyo.
Kulanka Odayaasha ayaa looga
hadlay falalka Amaan darida ee
ka jira Gobolka sida dilalka
qorsheysan, Dhaca iyo falal
kale ee lidiga ku ah Amaanka
kuwaasoo mudooyinkii ugu
dambeeyay ka dhacayay Degaanadda
maamulka Galmudug.
Waxgaradka ku ku shiray
Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu
baaqay shacabka in ay la
shaqeeyaan ciidamda amaanka si
loogu hortago dadka falalka
amaan dari ka gaysanaya gudaha
magaalada Gaalkacyo ee Xarunta
gobolka Mudug.