Muqdisho, Khamiis, 2da September, 2010.


Maamulka G/Mudug oo gudi u magacaabay u kuurgalida xaalada barakacaasha ku nool koonfurta magaalada G/kacyo.
 
Maamulka G/mudug State ayaa gudi u magacaabay u kuurgalida xaalada Nolosha barakacayaasha Ku nool degaanadda mamulka G/mudug iyo sidii barackacayaasha loo gaarsiin lahaa kaalmo deeq ah oo Ciida soonfur loogu tala galay in la siiyo dadka masaakiinta ah.
 
Kulan shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada G/mudug ee magaalada G/kacyo uuna shir gudoominaayay Madaxweynaha maamulka G/mudug Cornel maxamed Axmed caalin ayaa lagu magacaabay Gudi heer wasiir ah oo loo xilsaaray u kuurgaliyada deeqaha loogu talagalay barakacayaasha sida uu saxaafadda u sheegay Afhayeenka maamulka G/mudug Axned Baasto.
 
Axmed Baasto ayaa intaasi ku daray in maamulka G/mudug sameeyay sanduuq dhaqaalle loogu uruurinaayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaataysan Deganadda G/mudug.
 
Magaalada G/kacyo waxaa ku nool barakacayaal fara badan oo ka baxsaday dagaalada ka jira koonfurta dalka soomaliya,si ay u helaan nabad in kastoo dadkaasi ay heysato duruufo dhinaca nolosho ah.


 Xildhibaano ka tirsan baarlamanka soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamay Gudiga madaxa banaan ee dastiirka Cusub.
 
100 xildhibaan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa sharci daro ku tilmaamay jiritaanka Gudiga Madaxa banaan ee dastuurka Cusub ee Dowladda KMG,isla markaana Gudigasi yahay mid ka hor imanaya Axdiga Fedraalka KMG ah.
 
Xildhiban Cumar Islow oo saxaafadda la hadlay ka dib kulanka xildhibaanadda ayaa sheegay in xiligan dalka soomaaliya aysan ku haboonayn dastuur cusub in loo sameeyo iyo in afti loo waydiidyo shacabka soomaliyeed dastuur madaama aysan dalka aysan ka jirin nabad iyo xasilooni.
 
Xildhibaan Cumar Islow ayaa intaasi ku daray in gudiga madaxa banaan ee dastuurka cusub yahay mid ka hor imaanaya Axdiga KMG islamarkaana yahay gudigaasi mid sharci daro ah.
 
Hadalka Xidlhibaanadan ayaa ku soo beegmaya xili gudiga madaxa banaan ee dastuurka ay wadaan in ay shacabka iyo maamuladda kale ee ka jira dalka u soo bandhigaan dastuurka cusub ee dhawaan la sameeyay.


Ciidamadda Dowladda KMG iyo kuwa xarakadda alshebab oo maanta ku dagaalamay wadada warshadaha.
 
ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa xarakadda Alshebab ayaa maanta iska horimaad ku dhexmaray wadada warshadaha gaar ahaan Kuliyadii Jaalle siyaad, ka dib Markii Ciidamo ka tirsa Alshebab weerar ku qaadeen shaqalle Howlo dayactir ah ka waday wadada warshadaha.
 
taliyaha ciidamada dowladda KMG Ex-control Afgooye Nuur xasan maxamed ayaa ku Edeeyaya Xarakada Alshebab iney weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda iyo shaqaalle Howlo dayactir ah ka samaynaayay godod ku yala wadadaasi.
 
Nuur xasan ayaa sheegay iney iska cabiyeen kuwii weerarka ku soo qaaday isla markaana ay socoto howlihii dayactirka wadadaasi.
 
ilaa iyo hada lama oga qasaaraha kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay wadada warshadaha,in kastoo goobta dagaal ka dhacay aysan ahayn goob dad rayid ah degan yahay.

2 cisho ka hor ayay markii qarax Miino oo ka dhacay wadadan uu sababay dhimashadda in ka badan 15 qof iyo dhaawaca 30 kale.

Wadada iska horimaadka ka dhacay maanta ee Kuliyadda hore Jaalle Siyaad ayaa ah wadada kaliya ee u furan shacabka Muqdisho iyo gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha Suuqa bakaaraha iyo degmooyinka kala duwan ee Gobolka banaadir.


Ciidamada AMISOM oo Madaafiic fara badan ku garaacay suuqa bakaaraha Xili maanta aysan soconin wax dagaalo.
 
1 qof ayaa ku geeriyooday 4 kalena waa ku dhaawacantay Madaafiic Ciidamadda AMISOM maanta barqadii ay ku garaaceen Suuqa bakaaraha,iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo ka socda maanta magaalada Muqdisho.
 
Tiro madaafiic ah ayaa ku habsatay suuqa Dharka iyo Suuqa Qudaarta xili dhaqdhaqaaqii ganacsiga suuqaasi uu dib u bilowday maalintii 2aad.
 
Madaxa gaadiidka Gurmadka degdega ee Nation Link Cali Muuse ayaa sheegay in gaadiidka Gurmadka ay qadeen 4 dhaawaca ah isla markaana arkeen hal qof oo dhimasho ah.
 
Ganaacsiga Suuqa bakaaraha ee muqdisho ayaa saamayn balaaran ku yeeshay dagaalada Muqdisho ku dhex maraaya Ciidamada dowladda iyo Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo hrojeeda,iyadoo madaafiic aan loo aabe yeelin maalin kasta lagu garaaco qeybaha kala duwan ee suuqaasi.


Xukuumadda Uganda oo sheegtay in 750-askari u soo dirtay Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada ururka Midowga Afrika ku sugan Muqdisho.
 
Taliyaha ciidamada qalabka sida dalka Uganda Katumba Wamala ayaa sheegay in Dowladda Uganda 750-askari oo qayb ka ah ciidamada nabad ilaalinta loolgu tala galay dalka Soomaaliya ay usoo dirtay goor hore gaareey gudaha wadanka Soomaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Ciidama ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxasan yihiin ciidamada 200-kun oo askari gaaraya ee Ururka Midowga Afrika dhawaan kulankii ka dhacay magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda lagu balan qaaday in la gaarsiiyo gudaha wadanaka Soomaaliya.
 
Taliyaha Ciidamadda qalabka sida ee Uganda Mr Katumba oo kula hadalayay saxaafada meel 40-KM Koofurta ka xigta magaalda Kampala ee Xarunta dalka Uganda ayaa sheegay in 750-askari oo ka socota Uganda soo gaareen gudaha Soomaliya, islamarkaana la filayo in 250-kale oo askari ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaari doonaan Soomaaliya.
 
Waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda Uganda ciidamadan ay ku soo dirtay in uu qayb ka yahay go’aankii Urur goboleedka IGAD ee ahaa in ciidamo farabadan loo daadgureeyo gudaha caasimada dalka Soomaaliya, si ay qayb ugu noqdaan howlaha dhinaca nabad ilaalinta ee la doonayo in lagu soo celiyo xasiloonidii iyo nabadagalaydii dalka Soomaaliya.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Burundi iyana ay balanqaaday in bisha soo socota ay soo diri doonto ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 200-kun askari dalka soomaaliya oo ka baxsan kuwa Ururka Midowga Afrika uu ku balanqaaday kulankii ka dhacay magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Ugandha.
 
Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa marka la isu geeyo waxaa ay gaarayaan 8000-kun oo askari oo ah tirada rasmiga ah ee Ururka horey ugu balanqaaday tan iyo sanadii 2007, markii Ururka Midowga Afrika howlgalkiisu uu ka bilaawaday gudaha magaalada Muqdisho.


Nabadoon Axmed Diiriye oo cambaareeyay Duqeynta Ciidamada AMISOM ay ku hayaan Suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.
 
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa si kulul u cambaareeyay Duqeynta ciidamada Amisom ay ku hayaan Suuqa Bakaraaha xili dadka muqdisho ay isku diyarinayaan Munasabadda Ciida SoonFur.
 
Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay Ciidamada Amisom iney joojiyaan madaafiicda ayu ku garaacayaan suuqa bakaaraha si shacabka muqdisho fursad ugu helan adeega ciida soonfur.
 
sidoo kale Afhayeenka ayaa baaqa kaasi la mid ah u jeediyay Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda iyo Ciidamada AMISOM iney joojiyaan Madaafiicda ay ka soo tuuran sahacbaka dhexdiisa gar ahaan suuqa bakaaraha si suuqa aan wax samayn ah ugu yeelanin duqeynta madaafiicda.
 
Baaqa ka soo yeeray afhayeenka Odayaasha beelaha hawiye ayaa ku soo beegmay xili maanta Ciidamad AMISOM madaafiic fara badan ku garaaceen suuqa bakaaraha iyadoo aysan jirin wax dagalo ah.