


Maleeshiyo
beeleedyo markale ku dagaalamay
Tuulada Bacaadweyn gobalka Mudug
bartamaha Somalia
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.
Wararka
laga helayo deegaanada Camaara
iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug
ayaa waxey sheegayaan in dagaalo
beeleedyo ay markale kasoo
cusbnoodeen deegaanka Bacaad
weyn ee gobolkaasi mudug kaasi
oo udhaxeeya beelaha walaalo ah
oo wada dega deegaanadaasi.
Dagaalkan oo ah mid la isku
adeegsanayo hubka fud fudud ayaa
waabarigii hore ee saakey
markale kasoo cusboonaadey
deegaankaasi oo mudooyinkii
udambeeyey ay ka taagnaayeen
Xiisado udhaxeeya labada beelood
ee walaalaha ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka
tuulada Camaara ee gobolka Mudug
oo khadka teleefonka kula
hadlayey Idaacadda Alfurqaan
ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi
uu jiro wuxuuna sheegey in
dadkii rayidka ah ee kunoolaa
deegnaakaasi ay guryahoodii ka
qaxeen markii ay soo noq noqdeen
dagaalada ka dhacey inta u
dhaxeysa deegaanada Camaara iyo
bacaad weyn.
Hadaan Nahay Bahda MudugNet
waxaan Ilaah ka baryeynaa in
Labada Beelood ee halkaa ku
dagaalaayo Ilaah xaqa
garansiiyo oo ay Nabad iyo
Masaalix ilaah dhexdooda dhigo.