Sarkaal Sare oo katirsan Ururka Xisbul Islaam oo maanta Muqdisho lagu dilay.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.


Kooxo Hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku khaarijiyay sarkaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo kamid ah dhinacyada la dagaashan dowlada Federaalka KMG Somalia iyo Ciidamada AMISOM
Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaabka loo dilay Barre Cali Barre oo ah sarkaal ka tirsanaa Ururka Xizbul Islaam, isla markaana lagu dilay Agagaarka Sarif yaraha Suuqa Bakaaraha mudo yar ka hor.

Ilo goob joog u ahaa qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay Sarkaalkan ayaa Xogsheeg uga waramay, waxaana ay sheegeen in Barre ka hor intaanan la dilin aaney la socon wax ilaalo ah.

"Kaligiis ayuu ahaa Barre Cali, waxaana mar qura bastoolado ku soo weeraray rag hubeysan, waxa uuna isku dayay in uu iska difaaco, hase ahaate bastooladii uu sitay ayaa ka leeb dhacday, laakiin waxa uu riday dhowr xabadood, markii dambana waxa uu u geeriyooday xabado ay ku dhufteen ragii kale ee soo weeraray" ayuu yiri goob joogahan oo ka gaabsaday magaciisa in uu shaaciyo.

Waxa uu intaa ku daray in marka ay hubsadeen kooxaha soo weeraray Sarkaalka in uu dhintay ay isaga carareen,waxaa soo gaaray durbadiiba daqiiqado kadib ciidamada Xizbigii uu ka tirsanaa Sarkaalka ee Xizbul Islaam.

5-tii bishii Febraayo ayay Sidan oo kale soo weerareen kooxo hubeysan Barre intii uu noolaa, xilli habeen ah oo uu ku sii jeeday gurigiisa, iyadoo weerarkaasi uu ka bad baaday.
Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa maalmihii lasoo dhaafay kala shakisanaa waxaana jiray eedaymo ay hawada isku marinayeen oo midba midka kale ku eedaynayay in uu dilal iyo qaraxyo la maaganyahay dhinaca kale.