


Ciidamada
dowladda oo ku goodiyay in ay ku
biirayaan Mucaaradka hadii aan
si deg deg ah Mushaar ku filan
loo siinin
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.
Ciidamadan oo ka tirsan
milatariga dowlada KMG ah gaar
ahaan kuwo dhawaan tababaro ku
soo qaaday wadamo afrikaan ah
ayaa sheegay in ay dhibaato
xoogan ku qabaan xaruntoda Villa
baydhabo islamarkaana aysan
haysan wax daryeel ah.
Waxa ay sheegeen in ay halkaas
ku haysato daryeel xumo iyo
dhaqaalo la’aan xogan waxa ayna
ku cel celiyeen in ay dowlada
KMG ah ka codsanayaan in ay
xaaladooda wax ka qabato sida ay
sheegeen.
Ciidanka ayaa sheegay in aysan
gadood ahayn balse ay ku
kaliftay in ay saxaafada la
hadlaan dhibaatada heysata waxa
ayna intaa ku dareen in ay
masuuliyinta dowlada KMG ah ay
marar badan u bandhigeen
dhibaatada ay qabaan.
Qaar ka mid ah Ciidamadaan oo
saxaafada la hadlay ayaa sheegay
in sida ugu deg degta badan ay
ugu codsanayaan dowlada KMG ah
hadii aysan dhicina ay go aan
qaadan doonaan.
Ugu danbeyntii waxa ay sheegeen
in ay ay suura gal noqonkarto in
ay u galaan xoogaga ka soo
horjeeda Dowlada KMG ah hadii
aan wax laga qaban baahidodaku
aadan dhinaca Mushaaraadka.