Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uu ka xunyahay duqaymaha ay Ciidanka AMISOM ugaystaan shacabka magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.


Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga dowladda KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin madaafiicda ku dhacaya deegaanada ay ku badan yihiin dadka rayidka ah.

Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in dowladda KMG ah aanay qorshaha ugu jirin inay bartilmaameedsato deegaanada ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in kooxaha dowladda kahorjeeda ay marka hore madaafiic ku tuuraan xarumaha ciidamada AMISOM.

"Dowladdu wax lug ah kuma lahan madaafiicda inta badan lagu duqeeyo deegaanada ay rayidku ku badan yihiin" ayuu yiri Yuusuf Indhacadde oo mas'uuliyadda dusha ka saaray xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladda KMG ah.

Wuxuu dhinaca kale Yuusuf Indhacadde beeniyey hadal shalay kasoo yeeray afhayeenka ururka Al-shabaab oo ahaa in beelaha Soomaaliyeed ay hubkoodii ku wareejiyeen ururka Al-shabaab islamarkaana ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan dagaalka ay uga horjeedaan dowladda KMG ah.

"Ma jiro beelo hubkooda ku wareejiyey Al-shabaab ee qaar kamid ah beelaha ayaa si xoog looga qaatay hubkooda" ayuu yiri Yuusuf Indhacadde oo intaas ku daray in dhawaan dowladda KMG ah ay dhawaan maamulkeeda ku baahin doonto gobolada konfureed ee dalka Somalia.