Ururka Xisbul islaam oo sheegay in ay maamulo u dhisayaan degmooyinka ay dowlada KMG ah Muqdisho ka maamusho.


MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
 

Guddoomiye ku xigeenka ururka Xizbul Islaam ee maamulka gobolka Banaadir Ibraahim Barre Maxamed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka Xizbul Islaam uu diyaar u yahay inuu la dagaalamo dowladda Mareykanka haddii ay qeyb ka noqoto dagaalka ay kula jiraan dowladda KMG ah.

Ibraahim Barre Maxamed guddoomiye ku xigeenka maamulka Xizbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay fara galin qaawan ku heyo arrimaha dalka Somalia, waxaana uu ku eedeeyey inay hadda doonayso inay xasuuqdo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la dagaalamaan dowladda Mareykanka islamarkaana ay garab istaagaan xoogagga hubaysan ee dagaalka ka wada gudaha dalka Somalia, isagoona sheegay inay ka guulaysan doonaan cid walba oo si gardarro ah u soo weerarta Somalia.

"Arrintaas waxaan ka leenahay haddaaan nahay maamulka Islaamiga ah ee Xizbul islaam ee gobolka Banaadir, anaga alle ayaan kaashanaynaa oo caqiiqada ayaan ku dhagaynaa, waxaan kaloon kaashanaynaa shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Ibraahim Barre Maxamed.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 

Faallo : Waxaa wax la yaabo ah ururkan uu sideetan jirka u taliyo oo aan macna badan sameyneyn, sidee ruux ama Urur ku sheeg ay maamul ugu dhisaan dhul aysan iyagu gacanta ku heyn, Mise Shariifka iyo Xasan Aweys ayaa riwaayad u dhigaya Bulshada Soomaaliyeed , Bacdamaa Amxaaradu ku qasabtay iney  maamulkooda Maan doorsoomay ay ku biiriyaan Culimada Suufiyada oo aan Tala iyo Tusaale midna looga fadhin .

Kal hore ayay aheyd markii Ururka Jaan ee Xisbul aweys ay maamul dhaheen waan u sameyneynaa dadka Bara kacayaasha ah ee Muqdisho banaankeeda u barakacay ee Guryaha Baakdaha iyo Bacaha ka sameysan ku hoos nool, waan xiligaa markaan ka dhawaajiyay in Xisbul Aweys siigada lagu daray bacdamaa Shabaabku ka caana diideen jiritaankooda .

Waxaa wax laga yaqyaqsooda ah Dowladda Faasidka ee Shariif la soo ganay oo hadafkeedu noqday in ay lacagaha ku shubato Khasnada Shisheeyeay mar kasta ku soo celceliso wada hadallo iyo heshiisyo ay la gaarayaan xisbul Aweys oo Baalashii ay ka jareen Shabaab la.na meel uu cagaha dhigo.

Gabagabadaii waxaan Ilaah ka baryaayaa in kuwaan Baddu qaaddo kuwa Dhaamana Badalkooda Ilaah Umadda Soomaaliyeed Siiyo.

Abtidoon Abaa Hilowloow
Cibougaumau, Quebec, Canad.