


Golaha
Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku
baaqay in Shacabka magaalada
Muqdisho laga joojiyo dagaalada
aan kala go'a lahayn.
MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir
jraa'id ku qabtay magaalada
Muqdisho ayaa codsaday in la
joojiyo dagaalada kadhacaya
gobolada Banaadir iyo Mudug,
waxaana uu sheegay in dagaalada
kuwa aan dan ku jirin balse lagu
daadinayo dhiigga shacabka
Soomaaliyeed.
Xaad ayaa ka codsaday dhinacyada
ku dagaalamaya magaalada
Muqdisho inay u turaan shacabka
Soomaaliyeed oo ay ka joojiyaan
dagaalada iyo duqeymaha, waxaana
uu sheegay in dhibataada ugu
badan ay soo gaarayso shacabka
Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu baaq nabadeed u
jeediyey beelaha walaalaha ah ee
ku dagaalamaya deegaanka
Bacaadweyn ee gobolka Mudug,
waxaana uu kacodsaday inay si
dhaqso ah u soo afjaraan dirirta
taas badalkeeda ay wada hadlaan.
"Waxaan ku baaqaynaa in dagaalad
la joojiyo, oo dadka
Soomaaliyeed la badbaadiyo
hambada ka hartay, waxaan mar
2-aad iyo mar 3-aad ku celinayaa
in dagaalada la joojiyo oo wada
hadal lagu badalo si looga baxo
dhibaatada dalka kajirta waa in
caqliga wanaagsan taliyaa" ayuu
yiri Nabadoon Xaad.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho