Xukuumadda Shariifka oo soo dhawaysay Cunaqabatayn ay Ingiriiska kusoo rogeen Xarakada Al Shabaab.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.


C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda dowladda KMG ah ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay la dhacsan tahay go'aanka dowladda Ingiriiska ee arrintaas la xiriirta.

"Dowladda KMG ah waxay uga mahad celinaysaa dowladda Ingiriiska go'aanka ay xayiraadda ku saartay ururka Al-shabaab iyo shaqsiyaadka xiriirka la leh" ayuu yiri C/raxmaan Ibbi shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay magaalada Muqdish.

Ibbi ayaa ugu baaqay dowladaha kale inay qaataan go'aan lamid ah kan ay qaadatay dowladda Ingiriiska islamarkaana ay xayiraad saaraan shaqsiyaadka xiriirka la leh ama taakuleeya ururka Al-shabaab Al-mujaahidiin.

Wuxuu intaas ku daray in dhawaan madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Shiikh Axmed uu booqasho ku tagi doono dalka Ingiriiska islamarkaana uu halkaas kula soom kulmi doono madaxda dalka Ingiriiska.

"Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhawaan booqasho ku tagi doono dalka Ingiriiska, waxay madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrinta Somalia" ayuu sii raaciyey hadalkiisa C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho