


Xisbul
Islaam oo lagu Eedeeyay in ay
Hanjabaad u jeediyeen saxaafadda
ka dhisan magaalada Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.
Dowlada
Federaalka Somalia ayaa eedayn
kulul u jeedisay Ururka Xisbul
islaam oo ay ku eedaysay in uu
ku socdo dhabihii Al Shabaab oo
uu doonayo in uu dhibaato
ugaysto bahda saxaafadda ee ka
shaqaysa magaalada Muqdisho.
Afhayeenka
wasaaradda warfaafinta ee
dowladda KMG ah ee Somalia
Sheekh C/risaaq Aadan Qeylow oo
maanta shir Jaraa’id ku qabtay
magaalada Muqdisho ayaa ku
eedeeyay Ururka Xisbul Islaam in
ay cuburin ku hayaan warbaahinta
madaxa banaan ee Magaalada
Muqdisho.
C/risaaq qeylow ayaa ku eedeeyay
Maamulka Xisbul Islaam in ay ku
amreen warbaahinta madaxa banana
in ay hormariyaan wararkooda
islamarkaana ay ka gaabsadaan ka
hadalka waxyaabaha lidiga ku ah
Ururkaasi.
Kulan shalay ka dhacay magaalada
Muqdisho oo ay ka qayb galeen
agaasimayaasha Idaacadaha
magaalada Muqdisho ayaa la
sheegay in Xisbul Islaam ay ugu
hanjabeen in ay talaab ka qaadi
doonaan hadii ay si fiican ula
shaqayn waayaan Xisbiga.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
magaalada Muqdisho