


Yuusuf
Indha Cadde "Al Shabaab wax
guulo ah kama gaarin dagaalkii
shalay iyo xalay socday waan
iska caabinay".
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.
Dowladda Federaalka Somalia ayaa
guulo waaweyn ka sheegatay
dagaaladii cuslaa ee shalay ka
dhacay magaalada Muqdisho gaar
ahaan deegaano katirsan degamada
Hodon magaalada Muqdisho oo
shalay siyaaba kala duwan ay
dhinacyadu ukala qabsadeen.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga
dowladda KMG ah ee Somalia
Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde
oo la hadlay warbaahinta
magaalada Muqdisho ayaa sheegay
in dowladdu ay guulo ka gaartay
dagaaladii kadhacay degmada
Hodan ee magaalada Muqdisho.
Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay
in ciidamada dowladda KMG ah ay
dagaalada ku dileen saraakiil
sarsare oo katirsan xoogagga
hubaysan ee kahorjeeda dowladda
sida uu hadalka u dhigay,
waxaana uu sheegay in ciidamada
dowladda KMG ah ay weli ku sugan
yihiin farsiimadii ay horay u
joogeen.
Indhacadde ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay guulo ururka
Al-shabaab uu ka sheegtay
dagaalka, isagoona xusay in
ururka Al-shabaab uu doonayo
inuu marin habaabiyo shacabka
Soomaaliyeed islamarkaana uu had
iyo jeer sheego warar xaqiiqda
ka fog.
"Kooxaas waxba guul ah ma gaarin
way nasoo weerareen waana iska
difaacnay warka shabaab waa mid
waali ah waxay doonayaan in ay
shacabka wareeriyaan"ayuu yiri
Indha Cadde.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
magaalada Muqdisho