Magaalada Muqdisho oo degan iyo dhaawacyo badan oo Cisbitaalada waaweyn ee magaalada ladhigay


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.


Kadib dagaallo dhiig badan ku daatay oo xalay ilaa iyo shalay ka socday magaalada Muqdisho ayaa deganaan aan caga adag ku taagnayn laga dareemayaa magaalada waxaana Cisbitaalada magaalada lagu daad gureeyay ku dhawaad 32 qof oo Rayid ubadan.

Waxaa saaka xaalad daganaansha ah laga dareemayaa degmooyinkii shalay ilaa xalay ay ka dhacayeen dagaalada ee magaalada Muqdisho iyadoo ay sii kordhayaan qasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaaray dagaaladaasi.

Inta la ogyahay 4 ruux ayaa ku geeriyootay 32 kalane wey ku dhaawacmeen dagaaladii xalay ilaa shalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhaxeeyay Xoogagga Islaamiyiinta iyo ciidamada dowladda KMG ah oo taageero ka helaya kuwa Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waaliga Wilaayadda gobolka Banaadir ee XarakadaAl-shabab Sheikh Cali Max’ed xuseen oo shir jaraa’id u qabtay idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xarakada Al-shabaab ay guulo ka gaartay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaaladii shalay ilaa xalay ayaa intooda badan ka dhacay agagaarka wadada tarabuunka oo kamid ah meelaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah, kuwa shisheeye iyo Xoogagga Islaamiyiinta.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho