Warar sheegaya in Xisbul islaam ay ka goosteen Ciidamo badan oo u galay dowladda KMG ah.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Maarso, 2010.


Ururka Xisbul Islaam oo kamid ah dhinacyada hubaysan ee Somalia ka dagaalama ayay xaalad adag soo wajahday kadib markii ciidamadii Xisbigaas ay ku biireen dowladda KMG Somalia oo cadawtooyo kala dhaxayso islaamiyiinta.

Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo katirsanaa ururka Xizbul Islaam ayaa shalay u goostay dhinaca dowladda KMG ah ee Somalia xilli maalmo kahor dowladdu ay soo Bandhigay ciidamo kagoostay ururka Xizbul Islaam.

Warar Hoose oo la helay ayaa sheegaya in labo gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ciidamadii lasocday oo taabacsanaa ururka Xizbul Islaam ay shalay gelinkii dambe ay u galeen dhinaca Dowladda KMG ah ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka iyo ciidamada u goostay dhinaca dowladda KMG ah ay difaac uga jireen isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda.

Sargaal katirsan ururka Xizbul islaam oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa xaqiijiyey goosashada gaadiidka iyo ciidamada katirsanaa ururka Xizbul Islaam ee u galay dhinaca dowladda KMG ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah oo la xiriira ciidamada kagoostay ururka Xizbul islaam ee dhineceeda galay, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in dowladda KMG ah ay maalamaha soo socda soo bandhigi doonto ciidamada iyo gaadiidka kagoostay ururka Xizbul Islaam.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho