


Maxaabiis
ay gacanta ku hayso dowladda KMG
ah oo Daacuun ugu dhintay
Xabsiga dhexe ee Xamar.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da
Maarso, 2010.
Maxaabiis Soomaaliyeed ayaa ku
dhibaataysan Xabsiga dhexe ee
Xamar magaalada Muqdisho kadib
markii Cudurka daacuun caloolaha
uu ka dilaacay gudaha Xabsiga oo
ah meel nadaafad xumo iyo
daryeel darro ka jirto.
Sarkaal katirsan ciidanka
ilaalada Xabsiga ayaa xaqiijiyay
in uu geeriyooday Maxbuus kamid
ahaa Maxaabiistii ku xireed
xabsiga kadib dhibaato dhan
walba ah oo kataagan xabsiga oo
ay dayacday dowladda KMG
Soomaaliya.
Gen. C/laahi Macalin Cali
taliyaha xabsiga dhexe Xamar ee
dowladda KMG ah oo la hadlay
warbaahinta ayaa sheegay in
cudurka shuban biyoodka ee ka
dilaacay xabsiga dhexe ee Xamar
uu kadhashay nadaafad darro
kajirta xabsiga iyo xiliga
Kuleylaha oo la guda galay.
Wuxuu sheegay inay durba qeylo
dhaan u direen dowladda KMG ah,
isagoona sheegay in dowladdu ay
u soo dirtay dhaqaatiir kuwaas
oo haatan ku howlan daweynta
maxaabiista ku jira xabsiga
dhexe ee Xamar.
"Xaaladda Maxaabiista ku jira
xabsiga dhexe way iska liidataa
inkasta oo hadda ay Dhaqaatiir
noo yimaadeen" ayuu yiri Gen. C/laahi
Macanlin Cali taliyaha xabsiga
dhexe ee Xamar dowladda KMG ah
ugu magacaaban.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho