Dowladda KMG Somalia oo u hanqal taagaysa qabashada Xilka gudoomiyanimada Jaamacadda Carabta.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Maarso, 2010.


Dowladda KMG Somalia ayaa markii ugu horaysay doonaysa in ay qabato xilka gudoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta xilli Somalia aysan kajirin dowlad awood u leh in ay marti geliso shir madaxeedyada caalamiga ah,sarkaal katirsan safaaradda Somalia dalka Masar ayaa sheegay in ay arrinkaasi ku han weynyihiin.

Safiirka dowladda KMG ah u fadhiya ururka Jaamacadda carabta C/rxmaan Xasan oo Khudbad ka jeediyey kulan shalay ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa baaq u jeediyey ururka Jaamacadda Carabta.

Safiirka ayaa ugu baaqay wadamada ku bohoobay ururka Jaamacadda carabta inay dowladiisa ka gacan siiyaan soo celinta amaanka iyo kala dambeynta dalka Somalia islamarkaana ay il gaar ah ku hayaan arrimaha dalka Somalia.

Wuxuu sheegay in ururka Jaamacadda carabta looga fadhiyo inuu soo fara galiyo xaaladaha ka aloosan dalka Somalia islamarkaana uu la yimaado dadaalo dheeri ah si loosoo afjaro dagaalada iyo dhibaatooyinka ka aloosan dalka Somalia inka badan 20-sano.

Safiirka ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyinka ay kooxaha burcad badeedu ku hayaan gacanka cadmeeed, waxaana uu sheegay in dowladda Somalia kaligeed aanay ku filnayn wax ka qabashada kooxaha burcad badeeda ah.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho