Dowladda Ingiriiska oo Liiska Argagaxisada ku dartay Dhaq dhaqaaqa Hubaysan ee Al Shabaab.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Maarso, 2010.


Xuukuumadda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay ciqaab adag marsiin doonto ciddii lagu helayo iyadoo dhaqaale u aruurinaysa Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanato ama ku biirto oo xariir layeelato, Ingiriiska waxay si cad u sheegeen in Al Shabaab ay geliyeen Liiska waxa loogu yeero Argagaxisada caalamiga ah.

Dowladda Biritain ayaa shaaca ka qaaday dalkeeda inaan lagu arki Karin qof taageeri ka ama ka mid ah Ururka Alshabaab, haddii ay dhacdo in lagu helaa dad taageeraya ururkaasina laga qaadi doono talaabo adag.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Dowladda Britain Alan Johnson ayaa sheegay dalkooda inay ka mamnuuceen Ururka Alshabaab una aqoonsan yihiin xubin ka mid ah Alqaacida, isagoona sheegay shaqsigii lagu helaa isagoo dhaqaale u aruurinaya ama buun buuninaya talaabo adag ka qaadi doonto dowladda Britain.

Sida la rumaysan yahay Alshabaab oo dhaqaalaha ugu badan ka helo dalalka dibada ah gaar ahaan dalka Ingiriiska ayaa go’aankan ka dhanka ah waxa uu ku noqonayaa mid dhar jab ku ah, waxaana yaraanaya miisaaniyada dhaqaale ururkaasi ka soo gaari jiray dhanka dalka Britain oo ay ku nool yihiin Soomaali ah oo taageerta ururkaasi qaarkoodna si hoose uga mid ah.
 

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho

Faallo: Annaga MudugNet ayaa kaga horeynay ku daridda Liiska Argagixisada, waxaase Yaab ah in Dowladda uu hogaamiyo Wadaadka aan xil garadka aheyn ee Sheekh Shariif iyo Xildhibaanada saqaajaaminta ah aaney Alshabaab u aqoonsaneyn Argagixiso, Ayaga Ruuxooda Argagax Allaha galiyee!

ABTidoon B.
Quebec, Canada.