Xarakada alshebab oo la wareegtay gacan ku haynta degaanka Yeed ee gobolka Bakool.


MudugNet, Muqdisho, Jimce, 30ka Luulyo, 2010.

 
wararka ka imaanaya degmada Yeed ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Xarakada Alshebab ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Yeed ee ka tirsan Gobolka Bakool ka dib dagaalo halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada alshebab.
 
lama oga ilaa iyo hada qasaraha ka dhashay dagaalka,iyadoo aysan ilaa iyo hada wax war ah ka soo bixin dhinacyadda ku dagaalamay Degmada Yeed.
 
Dhinaca kale wararka laga helaayo degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaq dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Xarakada Alshebab.
 
Mudugnet-News