Xarakada Alshebab oo sheegtay iney xabad kala Hortagi doonaan ciidamo shisheeye kasta oo yimaada dalka Soomaaliya.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 29ka Luulyo, 2010.

 

Xarakada Alshebab ee dagaalka kula jirta Dowladda KMG soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayaa sheegtay iney la dagaalami doonaan ciidan kasta oo shisheeye oo yimaada dalka soomaaliya,ka dib shir jaraa’id oo khadka taleefoonka saxaafadda ugu qabtay Afhayeenka xarakada sheikh Cali dheere.

 

Cali dheere oo ka hadlay Go’aanadii ka soo baxay shir madaxeedkii Hogaamiyaasha Afrika ee dhawaan ka dhacay dalka Uganda ayaa  ku tilmaamay shirkaasi in uu ahaa mid natiijo la’aan ku soo gaba gaboobay maadaama ay ka soo baxeen oo kaliya in ciidamo la keeno Soomaaliya, Al Shabaabna ay xabbad kala hortagayaan Marka ay soo gaaraan Muqdisho sida uu hadalka u dhigay afhayeenka Alshebab.

Afhayeenka Xarakadda Alshebab Waxaa intaasi ku daray  in dowladda KMG Soomaaliya ay Waji gabax kala kulantay waxyaabihii ay ka dooneysay in shirkaasi ay ka soo baxaan taasi oo aheeyd taageero xoog leh oo ay u fidiyaan Madaxda Midowga Afrika ee kulanka ku yeelatay Magaalada Kampala ee wadanka Uganda, isagoo intaasi ku daray in ciidamada cusub ee la keenayo Soomaaliya aysan waxba uga duwaneyn kuwii horey u joogay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Afrika ay afka oo kaliya ka sheegayaan in ciidamo farabadan ay keenayaan Soomaaliya, hase ahaatee aysan ka dhabeyn Karin maadaama sida uu tilmaamay sideedii kun ee ay u balan qaadeen Soomaaliya aan wali la soo dhameystirin, isagoo carabka ku dhiftay in haatan ay rafaadsanyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Hadlalka Xarakada Alshebaba ayaa yimid xili dhawaan Hogaamiyaasha  Afrika ay  Go’aamiyeen in Soomaaliya loo soo dirayo ilaa 4-kun oo askari  oo dheeraad.

Mudugnet-News.