Shirkii Hogaamiyaasha Afrika oo la soo gabagabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray shirkaas.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
 

Hogaamiyaasha Midowga Afrika ayaa isku raacay in wadanka Soomaaliya la diro  4-kun oo askari kuwaasi oo qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM ee ku sugan soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray gaba gabadii shir madaxeedka Hogaamiyaasha Afrika oo shalay lagu soo gaba gaboobay Magaalada Kampala ayaa  midowga Afrika ku go’aamiyeen  in 4-kun oo askari sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diro Soomaaliya.

Ciidamada  ayaa la sheegay in ay ka imaan doonaan wadamada Uganda iyo Burundi oo ilaa 6-Kun oo askari ay iminka  ka joogaan Soomaaliya waxaana Tiradda  ciidamada Midowga Afrika markaasi ay noqonaysaa 10-Kun oo askari.

Talaabadaani ayaa waxa ay timid kadib markii madaxada midowga Afrika ay isku raaceen in si deg deg ah wax looga qabto xaalada dalka soomaaliya oo ay sheegeen inay haatan ka dhalatay Qatar u gudubtay wadamada Kale ee Afrika markii Al Shabaab ay sheegteen Qaraxyadii kampala 11-kii Bishan.

Sidoo kale waxaa jira balan qaadyo farabadan oo ay sameeyeen ilaa afar dal oo Afrika ah kuwaasi oo ka qeyb galay kulankii midowga Afrika, waxaana madamadaasi ka mid ah Senegal , Nigeria Gani iyo Jabuuti iyadoo dowladda K/Afrikana la dalbaday inay ciidamo geyso Soomaaliya.

Dowladda KMG soomaaliya ayaa si diiran u soo dhawaysay Go’aanka ka soo baxay Shir madaxeedka Hogaamiyaasha Afrika,Madaxweynaha Dowladda Kmg sheikh sharif oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada kampala ayaa uga mahadceliyay  madaxda Afrika sida ay uga go’an tahay wax qabashadda xaalada dalka soomaaliya iyo taageerada hay’adaha dowladda KMG soomaaliya.

Mudugnet-News