Maamulka Galmudug oo mudo 15 cisho u qabtay Hay’adaha samafalka iney xafiisyo uga furtaan Gobolada uu ka taliyo maamulka Galmudug.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
 

Maamulka Galmudug State ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in mudo 15 cisho gudahood ay xafiisyadooda ugu furtaan Degaamada hoostaga maamulka Galmudug hadii kale aan mar dambe hay’adaha loo ogolaan doonin iney ka shaqeeyaan Deegaanada Galmudug.

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta magaalada Gaalkacyo ayaa  sheegay in maamulka GalMudug wax yaabo la taaban karo ka qabtay xaaladaha Deganaasho iyo tan nabadgalyo ee Gobolka,isla markaana Loo baahan yahay hay’adaha samafalka iney yimaadaan gobolka oo ay ka shaqeeyaan.

 

Ma jirto cid ka tirsan shaqaalle hay’ad oo dhibaato loogu geestay degaanada hoostaga maamulka Galmudug tan iyo ka dambeeyay dhismaha maamulkan ayuu yiri Madaxweyne Caalin.

 

Mr Caalin waxa kaloo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dadkii maamulka Puntland  uu ka soo masaafuriyay  magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, isagoo ugu baaqay in si deg deg ah hay’adaha samafalka gargaar ula soo gaaraan ka hor inta aan la gaarin Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Mudugnet-News