Hogaamiye
Dimeedka Dagaalka kula jira
Puntland oo sheegay inuu xiriir
la leeyahay xarakadda Alshebaab.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
Hogaamiye
Diimeedka dagaalka hubaysan kula
jira maamulka Puntland Sheikh
Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay
in kooxdiisa iyo xarakadda
Alshebaab uu ka dhaxeeyo xiriir
wanaagsan oo isla markaana ay
yihiin dad isku aragti ka ah
Camalka Islaamiga ee ay ka
wadaan Gudaha dalka soomaaliya.
Sheikh Atam oo
taageerayaashiisa kula hadlayay
Net-ka wada sheekaysiga ee
PalTalk ayaa faahfaahin ka
bixiyay dagaalkii dhawaan
degaanka Galgala ku dhexmaray
kooxdiisa iyo Ciidamada maamulka
Puntland.
Waxa uu sheegay
sheikh Atam in ciidamada
Puntland ay ka dileen 30 askari
ayna ka gubeen 2 baabuurta
dagaalka sida uu hadalka u
dhigay Sheeikh Atam.
Sheikh Maxamed
Siciid Atam ayaa wacad ku maray
iney sii wadi doonaan dagaalka
ka dhanka maamulka Puntland ilaa
inat ay ka maamulka Faroolle
kaga takhalusayaan.
Waxa uu yirir
camalkan islaamiga ah waxaan
Puntland ka wadnay 5 sano waana
sii wadi doonaa inta Puntland
laga Xuranaayo” sidaana waxaa
yiri Sheikh Atam.
Waxa uu ugu
baaqay sheeikhu dhamaan dadka
reer Puntland inay hubka qataan
oo ay la dagaalamaan maamulka
puntland oo ku tilmaamay
Dabadhilif u adeega shisheeye
sida hadalka u dhigay.
Hadalka Hogaamiye
Duumeedka Reer Puntland ayaa
yimid maalmo ka dib dagaalo
Degaanka galgalo ku dhexmaray
ciidamada maamulka faroole iyo
ciidamada taabacsan sheikh Atam.
Mudugnet-news