Guddoomiyaha Barlamaanka Gal-Mudug oo booqasho ku Joogay magaalada Edmonton ayaa uga gudbay Magaalada Pheonix Arizona ee Dalka Mareykanka.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
 

Guddoomiyaha Barlamaanka  maamul- goboleedka Somaliya  ee Gal-Mudug  State Mudane Xasan Maxamud Hail, ayaa maalinti khamiista ee bishan July ahayd 22ka, waxaa uu soo gaarey magaalada Edmonton ee dalka Canada. Safarkan guddoomiyaha ayaa waxaa uu qayb ka ahaa socdaal dheer oo ku kala bixinayey dhowr magaalo oo ka tirsan qaaradda waqooyiga America. Waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey Jaaliyadda reer Gal-mudug ee ku nool magaalada Edmonton. Maalinimadii Sabtida oo bishu ahayd 24ka july, ayuu guddoomiyuhu si gaara ula kulmay jaaliyadda isla markaasna gaarsiiyey salaan diiran oo uu  ka waday madaxwaynaha Gal-mudug State Mudane Caalin.  Mudane Xasan hayl oo aad ugu dheeraaday taariikhdii Gobolka, ayaa carrabka ku dhuftay in Dawladihii soo maray Soomaaliya aysan waligood gobolka waxba u qabanin haddana aan looga fadhin inay taasi dhici doonto.  Wuxuu kalo intaas ku daray in dadka ka soo jeeda maamulka galmudug ay iyagu isku tashadaan noqdaanna kuwa aayahooda dambe garta, hadday noqon lahaayeen kuwa qurba joogta ah ama kuwa gudaha. Maruu guddoomiyuhu ka hadlayey dagaalladii sokeeye ee aafeeyey Somaliya, waxaa uu aad u tibaaxay burburka xooggan ee soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo, taasoo buu yiri mid hadda u muuqata inay ka soo kabsanayso maadaamaa aannu samaysannay maamul innoo gaar ah.

Maamul goboleedkan oo dhidibada loo taagey sanadkii 2006da, ayaa hadda u muuqda mid tartan xooggan kula jira maamul- goboleedyada kale ee waddanka ka jira, khaasatan xagga waxbarashada, caafimaadka iyo waliba dhinaca nabadgelyada.  Mar uu ka hadlayey guddoomiyuhu xagga waxbarshada, waxaa uu tibaaxay in maamulka ka hor aysan jirin goobo waxbarsho oo mucayin ah, maantana ay jiraan illaa iyo 40 school oo isugu jira kuwa hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sareba, waxaana intaas sii dheer in sanadkan bisha September 2010, haddii Eebbe idmo laga furi doono Konfurta Galkacyo Jamacadda Gal-Mudug State. Waxaa uu mudane Xasan hail hoosta ka xarriiqay in Alla ka sokow intaas oo mashruuc ay hirgaliyeen qurbo joogta reer Galmudug ilaahayna ka abaal marin doono adduun iyo Aakhiraba. Isagoo ka hadlayey xagga caafimaadka waxaa uu si hufan uga hadlay ahmiyadda Isbitaalka weyn dhinaca koonfurta, kaasoo buu yiri ay ka hawl-galaan illaa iyo 250 shaqaale oo isugu jira Dhaqaatiir, Kalkaaliyeyaal iyo shaqaale kaleba waxaana looga yimaadaa illaa iyo Killinka 5aad ee ismaamulka Somalida Ethiopia, mashruucan waxaa hirgeliyey Hey’ado ajaniib ah gacantana ku haya. Guddoomiyaha oo waraysi siiyey Radiyaha ku baxa Afka Somaliga ee Edmonton ayaa ugu dambayntii ka hadlay xiriirka wanaagsan e ka dhexeeye Puntland iyo Gal-mudug, isagoo tibaaxay in danaha ka dhaxeeya labda maamul ay tahay inay nabadgelyada ka wada shaqeeyaan, meel uga soo wada jeestaan wixii carqaladeeya amnigooda.

Mudane Xasan Hail ayaa Aroornimadii Isniinta ka duulay magaalada Edmonton isagoo ku sii jeeda magaalada Phoenix, AZ.  halkaasna uga sii gudbi doona San-Diego, California.

Waxaa soo diyaariyey

Abdallah Kulmiye
Kulmiye@somaliedmonton.com