Abaabul dagaal oo
maanta laga dareemayo Gudaha iyo
Duleedka magaalada B/weyne ee
Gobolka Hiiraan.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
Dhaqdhaqaaq
Ciidan iyo Abaabul dagaal ayaa
laga soo sheegayaa gudaha iyo
Duleedka magaalada B/weyne
kaasoo ay wadaan Ciidamada
dowladda iyo Kuwa xarakadda
alshebab ee gacanta ku haaya
maamulka magaalada.
Wararka ka
imaanaya Gobolka ayaa sheegaya
in ciidamo ka tirsan kuwa
dowlada ay ka soo ruqaansadeen
Xeryo ciidan oo ku yaala
degaanadda Feer-Feer iyo
Mustaxiil ee dhulka islaamuka
Somalida Ethiopia,kuwaasoo ku
soo wajahan dhinaca magaalada B/weyne,sida
uu sheegay taliyaha Ciidamada
Dowladda KMG Gobolka Axmed Inji.
Taliyihu waxa uu
intaasi ku daray in qorshaha
Ciidamada uu yahay sidii ay ula
wareegi lahaayeen maamulka
magaalada B/weyne.
Dhinaca kale
waxaa magaalada B/weyne ka socda
dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan
Xarakadda Alshebab iyadoo
Ciidamada xarakada saakay
baaritaano ay ka sameeyeen Qaar
ka tirsan xaafaradaha magaalada
B/weyne.