Ra段sulwasaaraha Soomaaliya oo
talaabo qalad ah ku tilmaamay
qorshaha maamulka Puntland uu ku
masaafurinaayo dadka ka soo
jeeda Gobolada Koofurta
Soomaaliya.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.
Raii痴ulwasaarha dowladda KMG
Cumar C/rashiid Sharmarke ayaa
talaabo qalad ah oo laga xumaado
ku tilmaamay qorshaha maamulka
Puntland ay ku masaafurinayso
dadka shacabka ah ee ka soo
jeeda Goboladda Koofurta
soomaaliya oo dhulkooda uga
cararay Colaadaha iyo duruufaha
qalafsan ee ka jira Gobolada
Koofurta.
Mr
Sharmarke oo la hadlaayay
warbaabinta ayaa sheegay in
Dowladda KMG ay aad ugu xuntahay
falkaasi段sla markaana ay ugu
baaqayso maamulka Puntland in si
deg deg loo joojiyo
talaabooyinkaasi ka baxsan
Xuquuqda Isnaaka iyo
soomaalinimadda.
Ra段isulwasaare Cumar C/rashiid
ayaa tilmaamay in arinta uu sida
ugu dhaqasiyaha badan kala hadli
doono mas置ulyiinta maamulka
Puntland gaar ahaan Madaxweyne
faroolle.
Hadalka Cumar C/rashiid ka soo
yeeray ayaa ah mas置ulkii ugu
sareeyay ee ka tirsan Dowladda
KMG soomaaliya uu kaga hadlo
xaalada tarxiilka ee maamulka
Puntland kula kacaayo dadka ka
soo jeeda Koonfurta soomaaliya.