Wafdi ka socda maamulka Galmudug
oo Muqdisho wada hadalo kula leh
Madaxda sare ee Dowladda
Soomaaliya.
Sawirada Xuquuqdooda waxaa iska
leh web site ka
Radiomuqdisho.net
MudugNet, Muqdisho, Isniin, 26ka Luulyo, 2010.
Wafdi uu hogaaminaayo
Madaxweyne Kuxigeenka maamulka
GalMudug State oo ka kooban
wasiiro iyo Xildhibaano ayaa
dhawaan soo gaaray magaalada
Muqdisho iyagoo Kulamo la
yeeshay qaar ka tirsan
wasiiradda Dowladda KMG
Soomaaliya.
Wasiir
Kuxigeenka Warfaafinta ahna
afhayeenka Maamulka GalMudug
Axmed Baasto oo saxaafadda la
hadlayay ka dib Kulan ay shalay
la yeesheen wasiirka Arimaha
Gudaha Sooomaaliya Sheikh C/qaadir
Cali Cumar ayaa sheegay in
Ujeedada safarkooda Muqdisho ay
tahay sidii loo xoojin lahaa
xiriirka maamulka Galmudug iyo
Dowladda KMG Soomaaliya.
Axmed Baasto ayaa intaasi ku
daray in wasiirka Arimaha Gudaha
Dowladda ay kala Hadleen sidii
wadida taageeradda dowlada
Soomaaliya ay u fidso maamulka
G/mudug ,sida iskaashiga
Dhinacyadda Amaanka iyo
Hormarinta Goboladda ay ka
taliso maamulka G/mudug.
Afhayeenka maamulka G/mudug ayaa
intaasi ku daray in maamulka G/mudug
Horumar la taaban uu ka
sameeyay dhinacayadda
waxbarashada, caafimaadka iyo
Amniga mudadii maamulka uu ka
jiray.
Wafdiga maamulka Galmudug ayaa
lagu wadaa inta ay joogaan
magaalada Muqdisho iney kulamo
gaar gaar ah la yeeshaan madaxda
sare ee Dowladda iyo wasiirada
ka soo jeeda Dowlada Goboleedka
Galmudug.