Duqaymo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Axad, 25ka Luulyo, 2010.


Ciidamada AMISOM ayaa weli magaalada Muqdisho ka wado gumaad ay ugaysanayaan shacab Rayid ah oo aan ku lug lahayn dagaalada iyo duqaymaha ka socda magaalada Muqdisho.
 
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay  Tiro madaafiic  ah oo Ciidamada shisheeyaha habeenadii xalay ay ku garaaceen qaar ka tirsan Xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir.

Inta la ogyahay  7-ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymo xoogan oo Ciidamada shisheeye habeenimadii xalay ay ugeysteen Xaafado ka tirsan degmooyinka yaaqshiid iyo kaaraan ee gobolka banaadir.

Madfac kusoo dhacay Xaafadda Towfiiq ee degmada yaaqshiid ayaa waxa uu sababay dhimashada Seddex ruux  oo kala ahaa Hooyo iyo labadeeda Cunug,waxaana madfacaas sidoo kale ku dhaawacmay labo ruux oo kale.

Sidoo kale labo ruux ayaa ku geeriyootay isla Xaafadda Towfiid kadib markii madfac habow ah uu kusoo dhacay  guri ay degenaayeen sida uu ku waramay mid kamida dadka deegaanka.

Meelaha Madaafiicdu ay dadku ku waxyeeleeyeen ayaa waxaa sidoo  kale ka mid ah Xaafado ka tirsan degmada Karaan,waxaana qaar ka tirsan  deegaanka ay noo sheegeen in Tiro madaafiic ah oo degmadaas kusoo dhacday ay sababeen ugu yaraan geeriyda  labo ruux.