Magaalada baladweyne ee Xarunta
gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo
gaaray boqolaal dhalinyaro ah oo
kasoo jeeda koonfurta dalka
soomaaliya,kuwaasi oo laga soo
musaafuriyay deegaaanada uu ka
taliyo maamul goboleedka isku
magacaabay Puntland.
In ka badan 200 oo ruux oo
ubadan dad dhalinyaro ah ayaa
soo gaaray magaalada
baladweyne,waxayna sheegeen in
Ciidamada maamul goboleedka
Puntland ay tacadiyo baahsan
kula kaceen intii ay xabsiyada
ku jireen.
Qaar ka tirsan dadka lasoo
musaafuriyay oo la hadlay
Wariyaasha magaalada baladweyne
ayaa waxay sheegeen inay
ahaayeen dad ganacsato ah oo si
caadi ah ugu shaqaysta gudaha
magaalada boosaaso ee Xarunta
gobolka bari,laakiin
musaafurintooda loogu mar
marsiyooday inay qeyb ka
qaadanayeen falalka amaan dari
ee mudooyinkii dambe ka taagnaa
magaalada boosaaso.
"Halkaan waan ku
dhibaataysannahay ma haysano
lacag aan wax ku cuno,
Maleeshiyada Puntland waxay naga
soo kexeeyeen guryaheeni oo aan
wax walba ku haysanay"ayuu yiri
mid ka mida dhalinyaradii lasoo
Barakiciyay
Dhanka kael qeybaha kala duwan
ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si
xoogan u cambaareeyay falalka ay
ku dhaqaaqeen maamulka
goboleedka isku magacaabay
Puntland,waxayna ugu baaqeen
inaysan kala soocin dadka
soomaalida ah.