Beelaha dega Gobalada Bay iyo Bakool oo Hub farabada ku wareejiyay Xarakada Al Shabaab


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 24ka Luulyo, 2010.
 

Maamulka Islaamiga Gobalada Bay iyo Bakool ayaa hub farabadan kala wareegay qaaar katirsan beelaha Soomaaliyeed ee dega Bay iyo Bakool.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Tayeeglow gobalka Bakool ayaa xaqiijinaya in Beelaha kala ah Boqol Hore iyo Ceelqode ay maanta hub farabadan ku wareejiyeen xarakada Al Shabaab.

Munaasabad balaaran oo ka dhacday Tayeeglow ayuu maamulka Bay iyo Bakool kula wareegay Hub kala ahaa 15 qori nuuca PKM-ka loo yaqaan 3 saban qori nuuca loo yaqaan SKY43.

Gudoomiyaha Bay iyo Bakool oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in hubkan ay ugu deeqeen beelo soomaaliyeed oo doonaya in ay ka qayb qaataan Dagaalada Jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya.

"Hubkan faraha badan waxaa looga qayb qaada doonaa Jihaadka Soomaaliya ka socda gaar ahaan magaalada Muqdisho, hadii beelaha oo dhan sidan Hubkooda u bixiyaan waan ka awood badi karnaa Hubka Dowlada KMG ah ay ka hesho reer Galbeedka"ayuu yiri sheekh Mahad.

Waa Markii ugu horaysay oo uu Maamulka Al Shabaab Hub kala wareego beelo dego gobalka Bakool balse bilihii lasoo dhaafay ayay beelaha dega Bakool sheegayeen in ay la bahoobeen Xarakada Al Shabaab