Xildhibaan Furux "Maamulka Puntland Hawiye nacayb ayuu dhaqankii Soomaaliyeed uga baxay".


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.
 

Mudanayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeedo Beesha Hawiye ayaa si kulul u weeraray Falalka Cunsuriyadda ah ee uu ku dhaqaaqay Maamulka Faroole ee lagusoo ceyriyay shacab soomaaliyeed.

Xildhibaanada Beesha Hawiye ayaa sheegay in maamulka Puntland isku magacaabay uu gees uga bayray dhaqanka Soomaaliyeed ee soo dhawaynta iyo Marti soorka ku salaysan.

Xildhibaan Maxamad Jaamax Furux oo ka mid ah Baarlamanka KMG ee soomaaliya oo ka hadlay howlgalada lagu musaafurinayo dadka ka soo jeeda koonfurta oo maalintii Afaraad ka socda deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay tahay arrin midab sooc ah.

Madaxda maamulka Puntland ayuu ku eedeeyey mas’uuliyada in la sii barakiciyo dad barakac ku ah deegaanada Maamulkaasi, waliba iyadoo loo eegayo qaab midab sooc ah oo Shacabka Soomaaliyeed laga musaafurinayo dhulka Soomaalida oo ah dhul Soomaali oo dhan ka wada dhaxeeyo marka laga reebo Qabaa’ilo deegaano ay dagaan, balse soomaalida xor u yihiin in ay ku noolaadan meel kasta oo soomaaliya ka mid ah.

"Ficilada xun xun ee Faroole yo Maamulkiisa ku keceen ma ahan mid ay yaqaanaan umadda Soomaaliyeed, Barakicinta shacabka Koonfurta wuxuu muujinayaan in Maamulka Puntland uu qabiil isku bedelay"ayuu yiri Furux.

Puntland ayaa raafid iyo dhibaata ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Boosaaso,Garowe iyo gaalkacyo oo ay soo eryeen