Dagaallo qaraar oo galabta ka dhacay deegaanka Kalabeyrka ee Gobalka Hiiraan.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010

 
Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa taabacsan dowladda Federaalka KMG ah ayaa maanta ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Kalabeyrka ee gobalka Hiiraan.

Iskahor Imaadka ayaa la sheegay inuu bilawday ka dibe markii Ciidamo ka tirsan Dawlada KMG oo dhaq-dhaqaayo deegaankaasi iyo Al-Shabaab oo iyaguna ku raad joogay burcad lagu Sheegay deegaanadaasi ay is arkeen waxaana goobta ka bilawday dagaal fool ka fool ah.
 
dadka ka ag dhaw deegaanka Ceel-gaal ee Duleedka Baladwayne ayaa waxaa ay shegeen inay maqlayeen Dhawaqa rasaasta ay iswaydaarsanayaan labada dhinac taasi oo cabsi xoogan ku abuurtay dadka deegaanadaasi ka ag dhaw .
 
Warar Hordhac ah ayaa sheegaya in kooxihii weerarka ku qaaday ciidanka dowladda ee Hiiraan ku sugnaa ay la wareegeen laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.

dagaalka ayaa soo dhamaaday kadib markii ciidanka Yuusuf Dabageed ee dowladda raacsan ay u baxsadeen dhanka deegaanka FeerFeer ee dhulka Ismaamulka soomaaligalbeed