Oadayaasha dhaqanka Magaalada
Muqdisho ayaa si kulul u
cambaareeyay Howllo Cunsuri ah
oo uu ku dhaqaaqay Maamulka C/raxmaan
Faroole ee Puntland lamagac
baxay.
Suldaan Axmed Dhoore oo ka
tirsan dhaqanka Hawiye ayaa
Maamulka Faroole ku Eedeeyay in
uu magaalada Boosaaso ka dhigay
magaalo Qabiil kadib markii
lagasoo Eryay Boqolaal qof oo
Soomaali ah.
"Maamulka Cadawga u adeega ee
Faroole hogaamiyo wuxuu ku
dhaqaaqay Fal cunsuri ah wuxuu
Boosaaso ka soo Eryay Boqolaal
Soomaali ah oo Hawiye u badan
taasi waxay noo cadaynaysaa in
maamulkaasi mid qabiil
yahay"ayuu yiri Dhoore.
Odayaasha dhaqanka hawiye ayaa
ku amaanay maamulka Galmudug
sida ay usoo dhaweeyeen
shacabkii ay Puntland kasoo
barakicisay Boosaaso.
Howlgalka ay Puntland kusoo
Eryayso Shacabka Koonfurta
Soomaaliya ayaa lagu sheegay in
maamulkaasi isku bedelay mid
qabiil