Macalin Xaashi "Waqti Dheeri ah ayaa ku darnay xiligii Garka ladaysanayay Reer Muqdisho sidaas la socda"


MudugNet, Muqdisho, Isniin,19ka Luulyo, 2010.
 

Ururka Xisbul Islaam oo ku caan baxay in uu awaamir kusoo rogo qalabka warbaahinta iyo shacabka magaalada Muqdisho ayaa markale sheegay in ay talaab ka qaadi doonaan ciddii la arko Garkeeda oo jaran iyo shaaribaheeda oo daysan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ururka xizbul islaam ayaa maanta waqti dheeraad ah ugu daray oo muddo 20 cesho ah amar dhawaan ka soo baxay oo ahaa in ragga Garka deystaan Shaaribkana xiirtaan.

Macalin Xaashi ayaa sheegay codsiyo uga yimid ragga gobolka Banaadir ugu ogolaaday in muddo 20 ceshe dheeraad ah loogu daro waqtigii loo qabtay in garka ku deystaan shaaribkana ku xiirtaan.

Xisbul Islaam waxay sheegtay in waqtiga Gar xiiridda uu ku Egyayahy 10 bisha Augst wixii xiligaasi ka dambeeyana aan la ogolaan doonin in ragga ku dhaqan magaalada Muqdisho ay Garkooda xiiraan.

Amarkan ayaa keeni kara in shacabka magaalada Muqdisho kala go'aan maadaama ay jiraan dad badan oo aan doonayn in ay Garkooda daystaan kuwaasi oo ku ekaan doona deegaanada ay AMISOM iyo Dowladda KMG ah Muqdisho ka maamulaan