Maamulka Somaliland oo sheegay in ay soo Afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaad beeleedka SSC


MudugNet, Muqdisho, Isniin,19ka Luulyo, 2010.
 

Xiisada colaadeed ayaa ka taagan magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool kadib markii dhawaan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Maamulka Soomaaliland ee maamula inta deegaanada SSC loo yaqaan.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyeen dil habeenimadii xalay magaalada Laascaanood loogu geystay guddoomiyihii Maxkamada sare Magaaladaasi ee Maamulka Somaliland in ay ka danbeeyeen jabhada SSC.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Saleebaan Jaamac Saleebaan Dheere, waxaana dilay laba qof dhalinyaro ah kuna hubaysnaayen Bastoolado xili guddoomiyaha ku sii jeeday hoygiisa.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ka dhan ah kooxihii ka danbeeyey dilka guddoomiyahaasi, waxaana gudaha magaalada Laascaanood laga soo sheegayaa baaritaano xoogan.

Somaliland ayaa siweyn u diidan Maleeshiyaadka kooxda SSC oo ay ku midaysanyihiin beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli daarood waxayna xaaladdu cirka iskusii shareertay kadib markii Maleeshiyaadka SSC raacsan ay Boobeen qalabkii doorashada Soomaaliland bishii June ee lasoo dhaafay