Al Shabaab
oo Magacaawday Sarkaalka u
qaabilsan hantida shacabka laga
qaado
MudugNet, Muqdisho, Isniin,19ka Luulyo, 2010.
Kooxda Al Shabaab ayaa
magacaawday Mas'uul u
qaabilsanaan doono Zakada ay
shabaabku ka qaadaan dadka
Beeralayda iyo xoolalayda ah ee
ku dhaqan Koonfurta dalka
Soomaaliya oo ay Al Shabaab
maamulaan.
Kulan ay yeesheen masuuliyiin
sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab
ayaa waxaa la isku afgartay in
la sameeyo xafiis lagu soo
aruuriyo Zakada waxaana
xafiiskaasi madax looga Dhigay
Sheekh Suldaan Maxamed oo horay
uga mid ahaa saraakiisha ugu sar
saraysa Ururkaasi.
Sheekh Suldaan Maxamed oo ah
masuulka Cusub ee manta xilkani
loo magacaabay ayaa waxaa uu
sheegay inay siwanaagsan u
shaqayn doonaan ayna xilkooda
gudan doonaan.
Kooxda Mucaaradka Al Shabaab oo
maamusho inta badan koonfurta
Soomaaliya ayaa hirgelisay
Maamul aan Dowli ahayn balse soo
celiyay Nabadii luntay ee
Soomaaliya waloow dadka
islaamiyiinta eedeeya ay
sheegayaan in shabaabku ay
maamulka iyagu iskusoo koobaan