Ciidamada
Itoobiya oo bilaabay in ay ka
baxaan Xuduud Beenaadka xilli
Dowladu ciidan shisheeye u
yeeratay
MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
Xuduud beenaadka ay wadaagaan
Soomaaliya iyo dhulka
Soomaaligalbeed ayaa bilaabay in
ay dib uga gurtaan deegaanada
dhanka Soomaaliya soo xiga xilli
Dowlada KMG ah itoobiya u gacan
haatisay
Milleteriga Itobiyaan ah oo
sugnaa deegaank Qurac Joome ee
gobolka bakool ayaa saaka la
sheegay inay halkasi isaga
guureen iyagoo u huleelay
dhinaca xuduudka xuduudka dalk
itoobiya uu la wadaago soomaliya.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa
deegankaasi waxaa lagu soo
waramaya inay ka gaysteen
dhibaatooyink fara badan oo
iskugu jira dil,dhac kufsi iyo
waliba qafaalasho ay ku hayeen
dadk soomalida ah ee ku dhaqan
deegaankaasi sida ay saxaafadda
u xaqiijiyeen dadk tulada Qurac
Joome.
Maleeshiyaad deegaanka ah ayaa
la sheegay in ay Boob kula
keceen Gaadiid iyo hanti kale oo
ay ciidanka Itoobiya xoog ku
haysteen xiligii ay halkaasi ku
sugnaayeen, shacabka ayaa soo
dhaweeyay bixitaanka ciidanka
Itoobiya ee Qurac Joome.