10 qof oo ku dhimatay Duqaymo ay
Ciidamada AMISOM degmada Kaaraan
ee magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.
Ciidamada AMISOM ayaa sare u
qaaday duqaymaha culus oo ay ku
laynayaan shacabka Rayidka ah ee
aan waxba galabsan waxaana
24-kii saac ee lasoo shaafay ay
AMISOM Muqdisho ku dishay dad
Rayi ah.
Dadka geeriyooday oo dhamaantood
ahaa dad rayid ah oo aan waxba
galabsan ayaa waxaa gurihii ay
jiifeen ku habsaday madaafiic
Xoogan oo Ciidamada shisheeyaha
ay kasoo tuurareen Xarunta
Madaxtooyada Villa soomaaliya.
Dadka rayid ah ee kunool degmada
Kaaraan ayaa ku salalay
madaafiicda waawayn ee kusoo
dhacaysa Xaafadahooda,iyadoona
Xiligaasna aysan jirin wax
dagaalo ah oo ka dhacayay
magaalada Muqdisho.
Isbitaalka keydsanay ee ku yaala
Waqooyiga Magaalada muqdisho
ayaa saakay waxaa la gaarsiiyay
dhaawacyada dadkii xalay kusoo
waxyeeloobay madaafiicdii
Xooganaa ee Ciidamada
shisheeyaha ay ku garaaceen
degmada Kaaraan.
Inta badan degmooyinka gobolka
banaadir waxaa joogto ka noqday
madaafiicda sida arxan darada ah
Ciidamada shisheeyaha Afirkaanka
ah ay la beegsadaan Xaafadaha ay
degenyihin dadka rayidka
ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda
cid ka tirsan dowladda
Federaalka ah oo madaafiicdaas
si toos ah u cambaaraysay.
Duqaymihii shalay ka dhacay
Suuqa Bakaaraha ayaa weli kasii
yeerayay dhegaha Shacabka balse
xalay Hurdada lamaga ledin
demooyinka Kaaraan, Yaaqshiid
iyo Huriwaa oo ay ku dhacayeen
madaafiicda Fuuriyaha loo yaqaan